Hargeysa (Jam)- Wefti ka socda dalka Ingiriiska iyo Midawga Yurub, ayaa kulanno kala duwan la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Golaha Guurtida shalay.
Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay weftiga ka socday waddanka Ingiriiska iyo Midawga Yurub (EU-da), kuwaasoo aan si faahfaahsan xog looga hayn waxyaabaha ay ka wadahadleen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md.Maxamed Biixi Yoonis oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa si kooban uga hadlay kulanka madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirradiisu la yeesheen weftiga ka socday Ingiriiska iyo Midawga Yurub.
“Waxa madaxweynuhu la kulmay wefti ka socda Ingiriiska iyo Midawga Yurub oo muddo laba maalmood ah joogay Hargeysa, madaxweynaha iyo weftigaasina waxyaabo badan ayey ka wadahadleen, shirkuna si wanaagsan ayuu noogu dhacay,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Hasayeeshee, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa dhinaciisa xog faahfaahsan ka bixiyey kulanka ay la yeesheen weftiga ka socday Ingiriiska iyo Midawga Yurub, kaasoo shaaciyey in weftigaasi sideen farriin ah in aan la siyaasadayn muddo-kordhinta iyo arrimaha doorashooyinka la xidhiidha.
“Waxa qudha ee ay soo jeediyeen, isla markaana doonayeen waxay ahayd in aan la siyaasadayn doorashooyinka, muddada dib u dhacday iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaba, annaguna waannu u sheegnay in aanan qaban doorashooyinka, awoodna u lahayn in aannu muddayno, go’aankeedana ma lihin in la kordhiyo iyo in aan la kordhin, arrimaha doorashooyinkana waxa ku shaqo leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyagaana qabashadeeda, diyaarinteeda, ku dhawaaqisteeda iyo hawlaheedaba intaasba iyaga ayaa leh, markaa xilliga ay ula haboonaato ee ay ku saleeyaan jad-walkooda, Komishanka ayaa go’aan ka gaadhaya in doorashooyinku ku qabsoomi karaan xilligooda iyo inay dib uga dhacayaan,” ayuu yidhi Md. Siciid Jaamac Cali.
Waxa kaloo uu sheegay in dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee weftigu ka socday ogyihiin in doorashooyinku dib uga dhaceen waqtiga ay u muddaysnaayeen ee 26 June 2015, waxaannu yidhi; “Way ogyihiin dib-u-dhaca iyo in aanay doorashooyinku ku qabsoomayn waqtigooda, waayo adduunku imminka waa mid iska wada war haya oo hal guri ayeynu ku wada nool nahay, wayna ogyihiin in Komishanka Doorashooyinku ku saleeyey jad-walkoodii bisha July ilaa September 2015, taasina ay tahay xilli ka dambeeya waqtigii doorashooyinku qabsoomi lahayd.”