Ururka SOLJA oo War ka soo saaray Weriyihii Kalsan TV oo Berbera lagu Xadhig iyo Tacaddi loogu geystay

Hargeysa(Berberanews):-  Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in xorriyaddiisa loo soo celiyo Weriye Axmed Siciid Maxamed oo magaalada Berbera uga warrama Telefeshinka Kalsan, kaasoo ay Ciidammada ilaalada Dekedda Berbera ugu daateen gurigiisa uu ka deggan yahay magaaladaas xalay ahaan, isla markaana ku garaaceen oo ay gacan ula tageen, halka ay subaxnimadii Arbacada maantana ku xidheen Saldhig Dekedda gudaheeda ku yaalla, iyagoo haba-yaraatee xadhiggiisa wax sharci ah oo ay u mareen jirin.

War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay SOLJA caawa, isla markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururkaas Maxamuud Cabdi Jaamax (Xuuto), oo lagaga hadlay Xadhigga Suxufigan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo masuuliyiinta kale ee bixiyey amarka xadhigga Weriye Axmed Siciid Maxamed oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan in ay xorriyaddiisa u celiyaan, isla markaana u maraan nidaam sharci ah Dacwaddiisa.

Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa tallaabo kasta oo suurtogalinaysa in Dacwadaha Weriyayaasha aan lagu deg-degin, isla markaana la tixgaliyo in qabashadooda loo maro Hay’addaha Garsoorka si waafaqsan Xeerka Saxaafadda Somaliland iyo Dastuurka Qaranka.

Ururka SOLJA waxa uu ka xun yahay in qabashadiisa Ciidanka ilaalada Dekeddu u maraan nidaam ka baxsan sharciga, iyagoo Saq dhexe ku garaacay gurigiisa, isla markaana uu illaa hadda ugu xidhan yahay Dekedda dhexdeeda, ka dib markii uu Weriyuhu u tagay subaxnimadii. SOLJA waxay diyaar u tahay in ay gacanta ku qabato Eed kasta oo laga tirsado Weriyayaasha ka hor intaan lagula kicin xadhig, Tahdiid iyo caga-juglayn, taasoo sababi karta in arrimaha noocaas oo kale ahi dalka u soo jiidaan sumcad-xumo.

SOLJA marnaba raalli ka noqon mayso in Weriye ku xad-gudbo xuquuqda Masuuliyiinta iyo Bulshada, sidoo kale-na ma aqbalayso in Xukuumaddu kula kacdo xadhig iyo Tacaddi waxyeelaya karaamada iyo sharafta Suxufiyiinta dalka.

Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa sida ay Xukuumaddu u fududaysay kiisaskii ugu danbeeyey ee dhex-maray Weriyayaasha iyo Xukuumadda, kuwaasoo labada dhinacba ay ku lug lahaayeen khaladaadkii dhacay. Ugu danbayn SOLJA waxay ugu baaqaysaa Xukuumadda in Weriye Axmed Siciid Maxamed Xorriyaddiisa u soo celiso.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.