Kooxda Al-Shabaab oo Kenya ugu hanjabtay inay dalkeeda ka geysan doonaan weerarro ka waawayn kii Jaamacadda Gaarisa

Somalia(Berberanews):- Kooxda Al-Shabaab ee dagaallada ka wada dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa Jimcihii maanta shaaca ka qaaday inay weerarro dheeraad ah ka fulin doonaan gudaha waddanka Kenya oo ay Khamiistii ka fuliyeen weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo ay ka geysteen Jaamacadda magaalada Gaarisa oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kaasoo ay ku dhinteen 147 qof oo saddex ka tirsan oo keliyi Askar ka yihiin, inta kalena Ardaydii Jaamacadda dhiganaysay oo Gabdho iyo Wiilal iyo Macallimiin isugu jiray.

Al-Shabaab2

Afar Ruux oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, ayaa Subaxnimadii hore ee Khamiistii shalay weerar ku qabsaday xarunta Jaamacadda Gaarisa, taasoo ay muddo 16 saacadood ah haysteen, isla markaana ku dileen 147 Qof, 80 kalena ku dhaawaceen, waxaanay dawladda Kenya sheegtay inay afartii qof ee  weerarkaas soo qaaday dileen 16 saacadood markii ay dhismaha Jaamacadda haysteen ka dib, waxaana weerarkaas Masuuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali-Dheere), ayaa hadal uu sii daayay ku sheegay inay weerarro kale oo xanuun badan ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya, waxaanu yidhi; “Ma jiri doonto meel ammaan ah oo ay ku nabad-geli doonaan Shacaabka Kenya, inta ay Ciidammada Kenya ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.”

Sidoo kale, Afhayeenka Al-shabaab, ayaa ka hadlay Ciidammada Kenya ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, kuwaasoo Kenya ay sheegtay inay Soomaaliya kula dagaallamayaan Ururka Al-shabaab. “Waxaad arki doontaan weerarro kale oo xanuun badan oo dalkiinna Kenya ka dhaca.” ayuu yidhi Afhayeenka Malleeshiyada Al-Shabaab Sh. Cali-Dheere, oo xusay in xoogaggii weeraray Jaamacadda Gaarisa ay si gaar ah u toogteen Ardaydii Masiixiyiinta ahaa ee Jaamacaddaas wax ka baranayey.

“Xoogaggeennu waxay markii ay gudaha u galeen dhismaha Jaamacadda ka sii daayeen tiro Arday Muslimiin ah, waxaanay ku toogteen tiro Masiixiyiin ah gudaha Jaamacadda.” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Cali Dheere. Waxaanu sheegay in xoogaggooda weerarka Jaamacadda Gaarisa fuliyey, Ardaydii ay Jaamacadda ku qabsadeen weydiiyeen Su’aalo ay ku kala saarayeen intooda Muslimka ah iyo inta Masiixiyiinta ah. “Waxay weydiinayeen su’aalo ah inay akhiryaan Aayado Qur’aanka ka mid ah; Ruuxii aan akhrinna way tooganayeen.” ayuu yidhi Afhayeenka Al-Shabaab.

Dawladda, ayaa bandoow ka ku soo rogtay magaalooyinka Gaarisa, Wanjeer, Mandeera iyo Tana River ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, taasoo bilaabmaysa lixda iyo badhka fiidnimo, soconaysana illaa lixda iyo badhka subaxnimo (0630pm-0630am) ee Saacadda Afrikada Bari, isla markaana wax dhaqdhaqaaq Gaadiid iyo Dad ah la oggolayn in la arko. Sidoo kale, waxa dawladdu fasaxday Iskuullada iyo Jaamacadaha Kenya muddo kooban, iyadoo hakad-gelisay waxbarashadii Jaamacaddaas muddo aan la cayimin. Waxaanay dawladdu ka saartay Macallimiintii, Shaqaalihii iyo Ardaydii Jaamacadda Geerisa.

Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalladan inta badan Koonfurta waddanka Soomaaliya oo xad la wadaaga Kenya, ayaa marka laga yimaaddo weerarka Jaamacadda Gaarisa ee khamiistii, waxay weerarkii ugu dhimashada badnaa bishii September sannadkii 2013 ka fuliyey gudaha Caasimadda dalkaas ee Nairobi, gaar ahaan Suuqa Ganacsiga Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67 qof, halka laba boqol oo qof dad ku dhawina ku dhaawacmeen, ka dib markii ay afar maalmood haysteen afar qof oo weerar ku qabsaday Suuqaas.

Sidoo kale, Al-Shabaab, ayaa bishii June ee sannadkii tegay magaalada Mombasa Waqooyiga Beri ee Kenya weerar ay ku qaadeen ku dilay 14 qof oo Kenyan ah. Waxa kale oo weerarro ay dabayaaqada sannadkii hore iyo bilawga sannadkan ka fuliyeen Deegaannada Waqooyiga Bari ee Kenya ee Tana River, Mandeera iyo kuwo kale ka fuliyeen weerarro ay ku dileen ku dhawaad boqol Ruux oo qaarkood Macallimiin ahaayeen, halka kuwo kalena ay ahaayeen Shaqaale ka hawlgalayey goobo Dhuxul-dhagax ay ka qodayeen oo Mandeera u dhawaa.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.