Hargeysa(Berberanews):- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin (Casood), ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inaanu diyaar u ahayn buuxinta jago Xildhibaannimo oo ka bannaanaatay Golaha Wakiillada, isla markaana sida uu sharcigu dhigayo isagu xaq u leeyahay inuu buuxiyo maaddaama oo uu yahay xubinta keliya ee Keydka Musharrixiintii Xisbigii UDUB ee burburay ka hadhsan xubnihii isaga sharraxay gobolka Awdal.
Jagadan ayaa bannaanaatay ka dib markiii uu geeriyooday Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo toddobaadkii hore lagu aasay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo uu ku geeriyooday, kaasoo ay isku xisbi ahaayeen wakhtigaas, balse aanu Axmed Cabdi Kaahin ka mid noqon Xildhibaannadii guulaystay ee uu ka mid noqday kuwii hadhay ee Keydka u noqday jagooyinka ka bannaanaada Xildhibananada ay isku Xisbiga ahaayeen.
Wasiirka Ciyaaraha Axmed Cali Kaahin oo ka jawaabaya su’aalo Saxaafaddu ka weydiisay qorshihiisa ku aaddan buuxinta jagadaas u bannaan ee sharcigu isaga siiyey iyo kuwo kale waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.