Mid ka mid ah dableydii weerartay Jaamacadda Gaarisa oo la sheegay inuu dhalay siyaasi caan ah

Kenya (Berbera)Laamaha Amniga Kenya ayaa ogaaday in mid ka mid ah afartii dabley ee weeraray Jaamacadda Gaarisa uu ahaa wiil uu dhalay siyaasi caan ah oo horay xil u soo qabtay.
Wararka ayaa sheegaya in C/raxmaan Maxamed C/llaahi uu ka mid ahaa dalbeydii ka qeyb qaadatay weerarka, kaasoo uu aabe u ahaa Gudoomiyihii hore ee deegaanka Buulo Jamhuri oo ka tirsan degmada Mandhera.
download
Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa sheegaya in wiilkan uu ahaa arday ka qalin jebiyay kulyada sharciga ee jaamacad ku taal magaalada Nairobi.
Sidoo kale wiilkan ayaa ka qalin jebiyay Dugsiga sare ee WAMY ee magaalada Nairobi sanadkii 2007, kadibna jaamacad ayuu galay oo uu sanadkii 2013 ka qalin jebiyay.
Dadkii ka bad baaday weerarkii jaamacadda Gaarisa ayaa sheegaya in dableydii weerarka ka dambeeyay ay ku hadlayeen luqada sawaaxiliga.
download (1)
C/raxmaan ayaa la waayay muddo sanad ka hor, marna dib ma aanu ugu soo laaban gurigiisa, sidaas waxaa yiri mid ka mid ah saaxibada.
Shalay ayaa laga soo saaray Jaamacadda Meydadka afarta ruux, kuwaasoo ciidamada sirdoonka ay baaritaan ku sameynayeen, waxaana wali socda baaritaanka rasmiga ah ee ku aadan heybta raggan.
Al-Shabaab oo sheegatay weerarkan inay ka dambeeyeen, waxaa horay loo sheegay inay ku biireen dhalinyaro Kenyan ah oo dhowrkii sano ee u dambeeyay tababaro ay siinayeen.
Berberanews.com