Muhaajiriin laga soo badbaadiyey Badda Mediterranean

Dad ka badan 300 oo Muhaajiriin ah kuwaas oo magangelyo u soo doontey qaaradda Yurub ayaa doontii ay saarnaayeen ku degtey Badda dhexe (Mediterranean Sea).
migrants
Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa fiidnimadii Sabtida dadkan keenay dekadda Pozzallo oo ka tirsan Jasiiradda Sisili (Sicily) ee dalka Talyaaniga, kadib markii ay heleen iyaga oo xaalad adag ku jira.
Muhaajiriinta oo gaarayey 318 qof waxaa kamid ahaa 14 caruur ah, iyo 5 haween ah oo uur leh kuwaas oo sedkoodi la gaarey, waxaana loo qaadey isbitaalka.
Muhaajiriinta ayaa ka kala yimid 13 dal oo ku yaala qaaradda Afrika iyo Aasiya.
Maamulka Talyaaniga ayaa aqoonsadey 8 nin oo u dhashey dalka Tuuniisiya kuwaas oo ka shaqeyn jirey in ay dadka dhoofiyaan si dharci darro ah.
Sanadkasta boqolaal qof ayaa ku dhinta badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub, Soomaali badan ayaa naftooda ku biimeeya baddaas si ay u gaaraan Koonfurta Yurub
 
Berberanews.com