Dalka Sacuudiga oo Hormood ka Ah Xulufo Dhawaan isku Baahaysatay La Dagaalanka Huutiyiinta Yemen Ayaa Balan qaad Taageero Dhanka Hubka ah Ka Helay Dalka Maraykanka .
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dar-dargelin doonto hubka ay u direyso dalka Sucuudiga.
Kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony J. Blinken oo booqasho ku tagay magaalada Riyaad ayaa arrintan shaaciyey.
“…Isbaheysiga Sucuudiga dagaalka ay kula jiraan xuuthiyiinta Yemen, waa mid Digniin adag siineysa Kooxaha Xuuthiyiinta, isla markaana muujineysa in Sucuudiga ogolaan doonin in dalka Yemen ay burburiyaan kooxdaasi…” ayuu yiri Blinken wuxuuna intaasi ku daray “…Sidaa darteed wuxuu Maraykanka dadajin doonaa hubka la siinayo dalka Sucuudiga iyo waliba isdhaafsiga dhanka sirdoonka iyo xogta….”
Maraykanka ayaa la sheegay inuu hada uu gudaha dalka Sucuudiga ka sameeyey xarun laga hago ciidamada kala duwan ee ka qeyb qaadanaya isbaheysiga weerarka ku qaaday Xuuthiyiinta Yemen.
Dowlada Maraykanka ayaa horey isbaheysigan uga caawineysay dhanka Saadka sida diyaaradaha batroolka siiya diyaaradaha dagaalka iyo waliba dhanka xogta isgaarsiinta Satellite-ka.