Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay markab siday  Qaxootin Ka Yimid Yaman

Hargaysa(berbera)Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay Markab siday Qaxoonti Magan Galiyo doon ah oo ku soo xidhay dikada Berbera kana yimid dalka yaman.
download (3)
wasiirka wasaarada dibu dajinta somaliland cali Siciid Raygal ayaa sheegay in Qaxoontigani ka kooban yihiin 174 qof oo isku jira Yamaniyiin somaliya iyo Ethiopian.
waxa uu cali siciid sheegay in ladajiyay meel hore Ugu dhiseen haay’addaha Qaxoontiga iyo Xukuumada oo is kaashanaya.
 
Dhinaca kale waxa uu sheegay in Hada socoto tiro koobkoodu lana siiyay hoy iyo cuntooyin lana baadhi doono caafimaadkooda.
 
“Markabkan yimid ee aad wax iga waydiiseen waxa uu ka mid yahay dadka dhibaatadu ku dhacday  ee
dalka yaman ee dagaaladuna ka socdaan,waa 174 Qof,waxaana ay iskugu jiraa qaar somaliland ah somaliya, Ethiopian iyo Yaman xalay markii uu soo galayba waa ladajiyay waxaana ka hawl galay xukuumada madaxda gobolka iyo haay’addaha qaxoontiga qaabilsan iyaga oo xalay Berbera soo gaadhay xili danbe.
intaas waxa uu ku daray wasiirku.”markiiba qaxoontigaas waxa ladajiyay halkii loogu talo galay oo ay yalaan wixii ay ku seexan lahayeen wixii ay cuni lahayeen wixii lagu daawayn lahaa dhamaantood ay u yaaliin,markaas imikana qoristoodii ayaa socota kuwa kalena haday yimadaan waanu u diyaar garoobe.
 
wasiirku waxa uu sheegay in Qaxoontigaas oo ka soo qaxay dalka yaman oo dhibaato badani ka jirto somaliland diyaar u tahay in ay qaabisho dadkaas magan galiyo doonka ah.
 
“Xukuumada way u diyaar garawday in ay markasta caawiso dadkaas dhiban,kuwa somaliland ee yimaadana lasoo dhaweeyay,Xukuumaduna iyo haay’addaha arinta kala shaqeeyaana way u diyaar garoobeen in ay caawiyaan dhamaan hada caafimaadkoobada ayaa la baadhayaa waana la hubi doonaa markaas dadka lagu hayn doono xeryo loo sameeyay.
 
Markabanka siday Qxoontiga ka yimid dalka yaman oo dagaal ka socdo ayaa tiradoodu gaadhaysaa 174 qof oo isku jira yamaniyiin somali iyo itoobiyaan qaabilay Xukuumada somaliland oo hore u sheegtay in ay taageersan tahay Dawlada xaq ah ee yaman.
 
Qaxoontigan oo noqon doona kii ugu badnaa ayaa xukuumadu hore u sheegtay in ay Qaabili Doonto hadii ay dalka soo gadhaan gar-gaarna u fidin doonto.