Euro(Berbera) Dalalka la isku yiraaho Scandinavia ee waqooyiga Yurub ayaa sheegay inay bilaabayaan inay iska kaashadaan dhanka difaaca iyagoo ku eedeeyey dowlada Ruushka dhaq dhaqaaqa military oo ay wado.
Wasiirada Difaaca ee dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Iceland ayaa khamiistii shalay shir ay yeesheen kasoo saaray qoraal ay ku sheegayaan inay iska kaashan doonaan dhanka difaaca iyo waliba dhanka ciidamada bada.
Qoraal ay soo saareen Wasiirada Difaaca ee Scandinavian-ka oo lagu daabacay jariirada Aftenposten ee Norway, ayaa lagu yiri:
“….Hogaamiyayaasha Ruushka waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay Awood military ku gaaraan qorshahooda Siyaasadeed….”
Wasiirada ayaa si gaar ah uga hadlay dhaq dhaqaaqa military iyo Basaasida ah oo uu Ruushka ka wado Waqooyiga qaarada Yurub.
Dalalkan qoraalka soo saaray ayaa sidoo kale sheegay in ay taageeradooda u muujinayaan Wadamada Estland, Letland iyo Litawen oo ka cabsi qaba in Ruushka dalalka ku nool ay sameeyeen sida xiisada ka taagan bariga Ukraine. Maadaama ay dalalkaasi ku dhaqan yihiin dad badan oo asal ahaan kasoo jeeda Ruushka.
Berberanews.com