Daawo Garsoorka Somaliland oo Xukunno dil ah ku fuliyey lix qof oo ay ku caddaadeen dembiyo dil

Mandheera/Hargeysa (Berberanews):- Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland, ayaa Shaaca ka qaadday in markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah dalka Somaliland laga fuliyey Xukunno dil ah oo lagu fuliyey lix Gacan-ku-dhiigle oo ay ku caddaadeen inay hore u geysteen dilal kala duwan, isla markaana Maxkamadaha dalku xukunno dil ah ku rideen.

Cabdi Cabdillaahi oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka Somaliland, ayaa Saxaafadda faahfaahin ka siiyey magacyada lixda qof ee dilka toogashada ah lagu fuliyey Isniintii maanta oo ku beegnayd 13-ka Bisha April sannadka 2015-ka oo lagu dilay degaanka Mandheera oo ka tirsan degmada Abdaal ee gobolka Saaxil.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Warbixintaas oo dhan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.