Dawlada Ruushka ayaa Isniintii shalay shaaca ka qaaday inay ka iibin doonto dalka Iran gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaan S-300

Dawlada Ruushka ayaa Isniintii shalay shaaca ka qaaday inay ka iibin doonto dalka Iran gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaan S-300.
Russia-S-300
Hubkan ayaa ah kan ugu casrisan oo uu Ruushka soo saaro ahna midka ugu horeeya dhanka difaaca cirka iyo kahor taga diyaaradaha militari, waxaana horey u dalbaday dowlada Iran.
Ruushka ayaa sanadkii 2010 hakiyey qorshe hubkan looga iibinayey dalka Iran xili ay xiisadi ka taagneyd barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo cunaqabateynta la saaray dalkaasi.
Balse dowlada Ruushka oo xiligan xurguf siyaasadeed kula jirta Reer Galbeedka iyo Maraykanka ayaa sheegtay in dhawaan ay hubkaasi geyn doonto dalka Iran.
Russia-S-300-2Gantaalada S-300 ayaa halis ku ah diyaaradaha militariga taasi oo caqabad ku noqon karta weeraro Iran dibada uga yimaada.
Isra’iil oo horey ugu hanjabtay inay weerari doonto Iran ayaa si weyn u cambaareysay qorshaha Ruushka shaaciyey.
Go’aanka Moscow ayaa kusoo beegmaya labo todobaad kadib markii heshiis horudhac ah laga gaaray Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.