Boorame (berbera) Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Itoobiya kala hadashay baabuur koox dablay ah kala baxsadeen magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal maalintii Axadda.
Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo xog-waran siiyey shabakadda wararka ee Gudgude news shalay, ayaa xaqiijiyey in xukuumadda Somaliland ka sugayso dawladda Itoobiya in la soo qabto baabuurka ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan kastamka Boorama, kaasoo koox hubaysan afduub ahaan ula baxsadeen dhinaca gudaha Itoobiya.
“Dawladda Itoobiya ayaannu kala hadalnay baabuurka la dhacay iyo falka kooxdaasi ay samaysay, annagoo rajaynayna in Itoobiya si dhaqso ah baabuurkaas noogu soo celiyaan, kooxdii falkaas geysatayna ay tallaabo sharciya ka qaadaan,” ayuu yidhi Badhasaab Ramaax.
Rag hubaysan oo laga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda fallaagada suldaan Abubakar Cilmi Wabar, ayaa gudaha Boorama ka qafaashay baabuur ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland subaxnimadii hore ee maalintii Axadda, kaasoo ka shaqeeya xafiiska kastamka ee magaaladaas, iyadoo sida la sheegay kooxdaasi darawalkii gaadhiga waday isaga reebay meel u dhow gudaha xadka Itoobiya, isagoo dhaawacyo fudud ka muuqdaan.
Xidhiidh dhinaca iskaashiga amniga ah ayaa ka dhexeeya dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo sidoo kale labada dal ku heshiiyeen inay isu celiyaan dambiileyaasha iyo cidda falal amni-darro ka fulisa gudaha Somaliland iyo Itoobiya, balse lama oga tallaabada xukuumadda Addis Ababa ka qaadi doonto dablayda gudaha dalkooda ula baxsaday baabuurka ay ka qafaasheen Somaliland.