Hawlgalkii weerarka lagu qaaday xarunta Tacliinta sare oo lasoo gabagabeeyay & qasaaraha ka dhashay

Weerar ku bilowday qarax weyn ayaa gilgilay xarunta wasaaradii Hidaha iyo Tacliinta Sarre ee KM5 , kadibna rasaas la isku weydaarsaday ayaa ka bilaabtay markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay galeen xarunta.
image5
Waxaa degdeg u soo gaaray xarunta wasaaradda ee weerarka lagu qaaday ciidamada nabadsugigga kuwooda sida degdegga ah u howlgala ee Gaashaan, waxayna gudaha u galeen xaruntaasi iyadoo hadda uun soo afjaray weerarkii lagu qaaday goobtaasi. Wararka aya asheegaya in ilaalada wasaaradda ay inta badan dileen raggii weerarka soo qaaday oo la sheegay inuu qorshahoodu ahaa inay muddo dheer heystaan xaruntaasi maadaama ay wateen timir iyo biyo sida ay soo sheegeen weriyeyaashii meydkooda arkay.
Qasaaraha qaraxa iyo weerarka ayaa gaaraya 15 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan 20 kale. Dadka ugu badani waxay ku dhinteen qaraxa is-maadaaminta ah, dadka dhaawaca gaaray waxaa ka mida shaqaalaha wasaaradda waxbarashada sida agaasimihii waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada oo dhaawac jab ah lugta ka soo gaaray. Afar kamida dadka dhintay waxay ahayeen dableydii weerarka ku qaaday xarunta ee Alshabaab.
Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa howgalkii xarunta tacliinta sare lagu furtay, waxaana goobta oo ahayd meel dadweynuhu ku badan yihiin ay keentay in qasaaraha dadka uu bato.