USA: Saraakiishii Blackwater oo lagu xukumay Xabsi!

Maxkamada magaalada Washington DC ayaa shalay xukun xabsi ah ku riday 4 sarkaal oo ka tirsanaa shirkada Blackwater oo dhanka amaanka gacan kasiiin jirtay dowlada Maraykanka xiligii dagaalka Ciraaq.
USA-Xukun-Blackwater
Saraakiishan ayaa loo heystay xasuuq ay u geysteen 14 qof oo reer Ciraaq ah 16kii September 2007, kadib markii ay askartan rasaas ooda uga qaadeen shacab aan hubeysneyn oo ku sugnaa Isgoyska NISOOR ee bartamaha magaalada Baqdaad.
Xasuuqan ayaa kamid ahaa waji gabaxii Maraykanka ka raacay dalka Ciraaq iyadoo si weyn loo cambaareeyey falkan ay geysteen kooxdan ka tirsan Shirkada Blackwater oo ah mid si gaar ah loo leeyahay isla markaana ay dowlada Maraykanka u kireysan jirtay Illaalinta wafuuda booqata dalkaasi Ciraaq.
Wakhti dheer ayey qaadatay maxkamadeynta askartan iyadoo lagu riday xukun kala ah:
Nicholas Slatten oo kamid ah ragga xasuuqa geystay ayaa lagu xukumay XABSI DAA’IN, halka sadex kale oo kala ah Dustin Heard, Evan Liberty iyo Paul Slough lagu xukumay xabsi sanado ah oo gaaraya 30 sano.