Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Qalab gaadhsiiyey Naafada Boorama

Boorama(Berberanews):- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa  Isniintii maanta gaadhay magaalada Boorama ee xarunta Awdal iyo deegaan ka tirsan degmada Baki ee isla gobolkaas, waxaanay halkaas ka fureen waddo, iyagoo qalab kala duwanna ku wareejiyey Naafada Boorama.

Wasiirrada socdaalkan Boorama ku weheliyey Xirsi ayaa kala ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Xannaanada Xoolaha iyo Xidhiidhka Golayaasha, kuwaasoo magaalada Boorama gaadhsiiyey qalab ay sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo ugu dhiibay Naafada Boorama. Warbixinta warkaas oo dhan ka daawo Muuqaalkan hoose.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.