Itoobiya oo ka fiirsnesa in ay muwadaniinteeda ka soo dadgureyso koonfur africa

 
K/africa(berberanews)Itoobiya ayaa ka baarandegeysa in ay muwadaniinteeda kala soo baxdo K Afrika kadib markii colaada loo qabo dadka shishheyaha ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Afrika, ay kor u kacday. Dawlada ayaa laga soo xigtay in safaaradeeda K Afrika ay bilowday daraasad lagu soo celinayo dadka ka soo jeeda Itoobiya.
c457fe11
Wasiirka xidhiidhka ee Itoobiya, Ridwan Xuseen, ayaa u sheegay saxaafada gudaha in dalku ka fiirsanayo sidii loo caawin lahaa muwadaniinta ku dhaqan K Afrika iyada oo loo fududeynayo in ay dalka hooyo ku soo laabtaan.
 
Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya, Tedros Adhanaom, oo hadda ka hor si degdeg ah uga jawaabay soo celinta muwadaniinta Itoobiya ee  ku silicsanaa Sacuudiga iyo Yaman ayaan ilaa eega ka hadal xaalada Itoobiyanka ku sugan K Afrika.
 
Kumaakum ka soo jeeda Itoobiya ayaa u xoogsi tagay K Afrika, balse waxa ay wajaheen kacdoon  nacayb ah oo lagula kacay ajanabiga degan dalkaas.
 
Waxaa xusid, mudan in tiro badan oo Itoobiyanka ku nool Koonfur Afrika ay ka soo jeedaan DDSI kuwaas oo aan la hubin in ay ka faa’iideysanayaan dadgureynta dawlada Itoobiya.
 
Dhanka kale, dalka Malawi ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dhamaan muwadaniintiisa ku sugan k Afrika kala soo baxayo..