Masar (berberanews) Dawladaha Masar iyo Sucuudiga ayaa shaaciyey inay dhawaan bilaabi doonaan dhoolatus ciidan oo ay si wadajir ah u qabanayaan militariga Masar iyo dalalka Khaliijka.
Ciidamada lugta ee dowlada Masar, Sucuudiga iyo kuwo kale oo ka imaanaya dalalka Khaliijka ayaa lagu wadaa in lagu aruursho goob kamid ah dhulka Sucuudiga halkaasi oo ay si wadajir ah ugu sameyn doonaan dhoola-tus tijaabo u ah wadashaqeynta dhexmari doonta.
Go’aankan ayaa waxaa shaaciyey Madaxweynaha Masar Cabdifutaax Al Sisi oo Salaasadii magaalada Qaahira ku qaabilay Wasiirka Difaaca ee dalka Sucuudiga ahna wiilka uu dhalay Boqorka dalka Sucuudiga Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.
Duqeynta dhanka cirka oo ay isbaheysiga Sucuudiga wadeen 3dii totodbaad ee lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay in lagu burburiyey in badan oo kamid ah kaydka iyo hubka culus ee xuuthiyiinta heysteen.
Sidoo kale waxaa duqeymahan lagu wiiqiyey awooda ciidamada militariga ee weli ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax, sidan waxaa sheegay dawlada Sucuudiga afhayeenkeeda Gen. Axmed Al-Casiiri.
Tilaabada kaliya ee xigta duqeymaha dhanka cirka ayaa ah in ciidamo kuwa lugta ah loo diro dalka Yemen, sida ay sheegayaan khubarada militariga oo intaasi ku daray in duqeynta cirka oo kaliya aan lagu xoreyn karin dhulka ay horey ula wareegeen xoogaga Xuuthiyiinta.
Cabsida Al Qacida
Dhinaca kale dalalka Khaliijka ayaa ka cabsi qaba awoodda kooxda Al Qacida ee dalka Yemen oo la sheegay inay is-abaabulayeen todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in Al Qacida sugeyso inta uu ka dhamaanayo dagaalka u dhaxeeya Xuuthiyiinta iyo maleeshiyaadka taageersan dowlada, kadibna ay dooneyso inay la dagaalanto kooxda soo harta ee Finalka u soo baxda.
Xoogaga Al Qacida ee Yemen ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku guuleystay inay soo furtaan maxaabiis badan oo uga xirnaa xabsiyada dalka Yemen isla markaana fursad dheeraad ah u helay is-hubeynta xili ay hakatay duqeymihii ay kala kulmi jireen Maraykanka oo ciidamadii ka joogay dalka Yemen kala baxay markii ay bilowdeen dagaalada u dhaxeeya Xuuthiyiinta iyo dowlada Yemen