Ururka Wadaniga Ah Ee Vosomwo Oo Madal Il-Yartu Is Qabatay Baaq Culus Uu Jeediyey Komishanka , Madaxweynaha Iyo Labada Golle  Baarlamaan!

Hargeysa(berberanews)_ ururka wadaniga ah ee Vosomwo ayaa Kullan Ballaadhan oo uu Ku qabtay Hotel Impiral ee Magaalada Hargeysa, waxa uu Cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay sidii lo dhaqan gelin lahaa xeerka kootada ee Gollaha wakiiladda Somaliland Hor-yaallla.
thumb
Munaasibadaas oo ahayd mid meeqaam-keeddu sareeyo ayaa Ugu Horreyn waxa madasha ka hadlay Faysa Cabdilahi. Gudoomiyaha Ururka Wadaniga ah ee  Vosomwo ayaa sidoo kale, Baaq Culus uu jeedisay labada Golle Baarlamaan iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo.  Iyadoo amuurtaas ka hadleysana waxay Tidhii.“ kulankan maanta aynu isaagu nimi hadan ka hadlo Ujeedadiisu waxay tahay, sidii aynu usii amba qaadi lahayn Kullanno xidhiidha  hore, kuna saab-sanaa sidii dadka laga tiradaada badan yahay uga qaby-aadan lahayeen, Siyaasadda dalka. Isla markana loogu abuuri lahaa Fursado ay shaqo iyo Waxbarasho Beelaha laga tirada Badan yahay ee ku dhaqan Somaliland. Walaayaal sidaan wadaa Og-soonahay waxay Gollaha wakiilada ama sharci dejinta, waxa muddo hore yaallay Koto Hore oo lagu tallo galay Dumarka iyo dadka laga Tirada badan yahay, taasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhowan Khudbadiisi uu danbeysay ee uu Ka jeediyey Laba Gole inay ansixiyaan Kootasi. Urur ahaan anaagoo ka duuleynaa Khudbadaasi ayaannu soo qaban-qaabinay Kulankan lagaga Hadlaayo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dadka laga Tirada badan yahay. Siyaasadda Dalka. Isla markana loo ansixiyo  lahaa kootadaas oo aynu og-soonahay inay tahay ta kali ah ee ay uga qayb qaadan laahyeen talada dalka.
GetAttachment (1)
Kulankan Maantana waxan ku lafo-guri doonaa oo aan xoogga ku saari doonaa in aynu ku dejino qorshihii ama habkii anyu gollaha wakiiladdu ku ansixiyaan lahaayeen kootadaas. Xaqiiqadu siday tahay kootadu waa Habka kali ah ee ay dadkani ku helei karaan xaquuqdooda siyaasadeed ee ay dalka u leeyihiin, sida darteed waxan cod dheer ugu baaqayaa labada xisbi Ee Kulmiye iyo Wadani. Oo ah labada xisbi ee ugu Tirada badan Aqalka Wakiiladda, waxana usoo jeddinaynaa inay Xil weyn iska saaran sidii ay dadkaas sida Xun lo faquuqay xaqooda u Hiliyaan. Oo ay ansixiyaan Xeer kaas”.
Waxa isna Halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Mudane Eng Cbadi qaadir oo sheegay inay Diiwaan-gelinti Bilaabmi doonto isago ka codsaday inay beesha Gabooye si weyn uga qab-qaataan diiwaangelinta Cod bixiyaha. Eng Cabdi qaadir o amuurtaas ka hadlayaa waxa uu yidhii” horta dhowaan waxa bilaabmi doontaa Diiwaan Gelintii marka waxa lo baahan yahay inaad ka wadaa qayb oo xaq waxaad uu leedihiin inaad wax dooratan in la idiin doorto waayo waxaad tihiin Muwaadiniin. Waxa kale oo aan wax ka qaban doonaa cabashadiina xagga sanaaduuqda”.ayuu yidhii Gudoomiyaha Komishanku.
GetAttachment
Waxa kale oo isna Hadal dhaxal gal ah Madasha ka jeediyey Suldaan Naasir oo sheegay in xeerkaas uu kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo. Suldaanka ayaa Yidhii sidan” Horta Maanta waa Mahad alle mar haddi Madaxweynaha Somaliland ay Gacantaasi kasoo baxday Xeerka kootada Haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay. Waxanan dadka deegaanka aan kasoo jeedo uu sheegayaa inay isku calool wanaagsanaadan, oo ay Midoobaan” suldaanka ayaa sidoo kale, waxa uu labada Golle Baarlamaan ugu baaqay inay ansixiyaan xeerkaas  Kootada,”waxan labada Golle baarlaan ugu baaqeynaa inay sii deg-deg ah uu ansixiyaan xeerka maantaba Hor-yaalla waxa kel oo aan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa ururka Wadaniga ah ee Vosomwo”.
Geesta kale, waxa madasha isna ka hadlay. Wasiirkii hore ee Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri. Oo sheegay in marka Koobaad-ba alle ka cabsiga  badiyaan, siyaasi Cismaan Mahdi Buuri oo munaasibadaas si weyn ugu mahad-naqay ururka wadaniga ah ee Vosomwo oo mar walba door weyn ka ciyaara arrimaha Beelaha laga tirada badan yahay.   Cismaan oo dhacdooyinkaas ka hadlayaa waxa uu yidhii” marka hore waxa lo baahan yahay inay beelahan laga tirade badan yahay ay alle ka cabsiga badiyaan, waxa kale ee badan ee aan qabaa inaynu isku duunaano oo sadexda xisbi kaynu dan moodno aynu gallee laakiin niyad ahaan waa inaynu isku duubnaana oo si aynu uu wadaa dhannahay aynu danta Guud uga wadaa-shaqeynaa. Haday tahay tacliinta iyo haday tahay Ganacsiga iyo haday tahay Horumarka Beesha. Waxna inaga ayeey inaga Go”aan. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa waxa weeye inaynu Kulmiye wax-qabad ku taageerno” sidaas ayuu yidhii Mahdi Cismaan Buur.
5(276)
Waxa kale oo madashaas ka hadlay Marti sharaf kale oo ka kala socotay sadexda xisbi Qaran iyo mudanayaal ka tirsan aqalka wakiiladda somaliland waxanay dhamaantood si isku mid ah uu sheegen inay degdeg Wakiiladdu uu ansixiyaan xeerkaas. Faadumo siciid oo ka mid ah saarakiisha sarsare ee Xisbiga wadani ayaa sheegtay in Ururka Vosomwo deedaadlkiisa lagala qayb qaato.
Waxa oo ay faadumo siciid sheegtay inaannu wali Madaxweyne siilaanyo soo Gudbin wax xeer ah Balse uu Gollaha wakiiladda Somaliland uu Gudbiyey war-qad. Faadumo oo ka hadleysaa ayaa tidhii” Horta reer Kulmiye maanta waxay arkeen inay ummaddi kasii socoto oo meel walba waxay la taagan yihiin waxbaanu qabany ee nadoortaa, beri hore ayaana la sheegay oo qofku markuu kasii dareeraayo sidii uu usoo celin lahaa waa inuu folowgeed qabtoo meelkasta oo ay taagan tihiin na doortaay. Waxanan leenahay war wixii aad qabateen ayaa la idiinku dooran doonaa ee samara waxba dadka haa xijininee, horta marka ugu horreysaa waxa doonayaa. In aynu ka hadalno ma runbaa xeerka la yidhii Siilaanyo ayaa soo Gudbiye  oo gollaha wakiilada keenay, taasi anagu odhan mayno Madaxweynaha ayaa beenale ah lakiin mooji sii ay waxka noqdeene Madaxweynuhuu wuxuu Gudbiyey xeer mahee waa waraaq anuguu ma garanyo sii ay wax noqdeen. Malaha wasiir-baa  Hoos dhigay”. Waxa kale oo madasha ka hadlay xoghayaha warfaafinta Xisbiga Ucid Yusuuf keyse Cabdulahi oo sheegay inay xisbi ahaan soo dhoweynayaan in la ansixiyo Kootada Haweenka iyo Dadka laga Tirada Badan yahay. Waxana uu yidhii” anagu Ucid ahaan laba Xildhibaan ayaannu ku leenahay Baarlamaanka oo labada xisbi ee kale ayaa Haysta aqlebiyadda ee Go”aan geesinimo leh ka qaata ayaan leeyahay. Oo ansixiyaa Ucid Hore iyo immikaba way kazoo hor jeeday in waxa layidhaahdo xaqiiraadaa” . waxa kale oo isna meesha ka hadlay Huseen oo Ku hadlaaya af-ka Xisbiga Kulmiye waxana uu yidhii” Horta waxa layaab leh Goorta Haldoor Barkhad la leeyahay ma markii uu wadani gallay. Ayuu Haldoor Noqday. Mida kale Beesha Gabooye inta uu siilaanyo taray sadex madaxweyne oo hore may tarin. Waxaad aragtaan intaa Xukuumadani jirtay wali xaafad ay saddex lami ka sammeysay ma Jirto Daami Mooye”. Waxa kale, oo isna Goobtaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere. Oo sheegay in aan marka hore lo baahneyn in la siyaasadeeyo maalintan oo kale.  Isago amuurtaas ka hadlayaa waxa uu yidhii’ Horta waxa lo baahan yahay in aan Cid hal-ganka Vosomwo la wadiin haku marti qaadina.  Waayo umma baahna in dadkan la siyaasadeeyo. Waa in la taageera oo waxa jirta inay Halgan ku jiraan. Waxan uu mahad celinayaa Cabdilaahi Vosomwo iyo Nimco oo ahaa Mujaahidiin waaweyn oo aan la loodin karayn. Wana abaayaasha Hal-ganka haddi aan wax ka idhaahdo xeerka kootada Madaxweynuhu wixii noosoo Gudbiyeey waqti hore dib ayaananu uu dhiganay. Marka dhowaan ayaa laga doodi doonaa. Wana lo wadaa joogaa cida ka hortimmaada”.