Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Sheegtay in Dhamaan Dalka Laga Bilaabi Doono Olole Cashuur Ururin -Daawo

Berbera(Berberanews)-Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Zamzam Cabdi Aadan oo socdaal shaqo ku joogta berbera ayaa maanta mar ay warbaahinta la hadlay sheegatay in guud ahaan gobol;ada iyo degmooyinka dalka laga bilaabi doono olole cashuur ururineed oo lagu raadinayo cashuuraha aan soo xeroonin gaar ahaan cashuuraha beriga oo ay wasiiradu sheegtay in aanay sidii larabay usoo xeroonin
Wasiirka oo ay warbaahinta Gobolka Saaxil wax ka weydiisay sarkaal shaqaalaha Dekeda kamid ahaan jiray oo dhawaan sife aan sharciga waafaqsanayn ugu wareegay wasaarada maaliyada gaar ahaan kastamka Berbera islamarkaana dhawaan hor joogsaday koontiinar qalab caafimaada oo wasiiradu cashuur dhaaf soo siisay ayaa waxa ay wasiiradu kaga jawaabtay
Wasiirka Maaliyada ayaa waxa ay maanta xaqiijisay in dagaalada dalka yaman ka bilaamay ay qeybo kamida daklhligii dalku ku lumi doono lagana yaabo in odoroskii miisaaniyada dalkuna sidii la rabay noqon waayo uu hoos udhaco
Gudoomiyaha golaha Deegaanka Degmada Berbera Cabdishakuur maxamud Xasan Cidin ayaa isaguna soo dhaweeyay Cashuuraha la dardar galinayo
Hoos Ka Daawo Muuqalka Warkan

 
 
Berberanews.com