UK (berberanews) Dalka Ingiriiska waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay sameynayaan xisbiyada dalkaasi ka jira, iyadoo Telefishanada dalkaasi ay baahinayaan doodo aan waxba la iskula harin oo dhex maraya madaxda xisbiyada mucaaradka.
Dooda Telefishanada Ingiriiska ka socota ayaa waxay dadweynaha ku weydiinayeen su’aalo la xidhiidha waxqabadkooda haddii ay ku guuleystaan doorashada madaxtinimada ka dhici doonta.
Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka Ingiriiska ayaa iyagu intooda badan waxay siyaabo kala duwan ugu dhaliileen Dawladda uu Ra’iisal Wasaaraha ka yahay David Cameroon waxqabad la’aan iyo dib u dhac inay ku wadaan dalka.
Mr. Ed Miliband oo ah madaxa xisbiga shaqaalaha dalka Ingiriiska ayaa isagu noqday mas’uulkii doodiisu ay la dhaceen inta badan dadweynaha dalka Ingiriiska, kaasi loo saadaalinayo inuu bedeli karo David Cameroon.
“Isbedel aan horay uga dhicin Britain ayay dadkiisu arkayaan haddii aan ku guuleysto doorashada madaxtinimada” ayuu yiri Ed Miliband hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha.
Doodaan ka dhacday dalka Ingiriiska ee xisbiyada mucaaradka uga hadleen doorashooyinka guud ee dalkaasi waqtiga dhow ka dhici doonta kama qeyb qaadan Dowladda hadda talada dalkaasi maamusha.