K/Afrika: “Rabshadaha jinsi nacaybka waa in la joojiyaa” ZUMA –SAWIRO

Johanesburg (berberanews) Wararkii ugu dambeeyay ee caawa naga soo gaaraya magaalada Johannesburg dalka K/Afrika ayaa sheegaya in xaaladda ammaanka magaaladaasi ay faraha ka sii baxeyso, kaddib markii qeybo badan oo ka tirsan goobaha ganacsiga dhulka lagu daray.
images
Dhallinyaro rag iyo haween isugu jira oo u dhashay dalka K/Afrika isla markaana wata baangado iyo mindiyo ayaa weeraro culus ku qaaday goobo ay ku ganacsadaan ajaanibta dalkaasi, hase yeeshee ajaanibta ayaa ka hortegay, iyadoo ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 20-ruux.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Booliska dalkaasi ay ku guul darreysteen inay xaaladda caadi ku soo celiyaan, iyagoona qaar ka mid ah goobaha ay rabshadaha ka socdaan fooda gelin waayay.
Rabshadaha ka dhacaya dalka K/Afrika waxaa ku dhaawacmay ganacsato Soomaali ah, inkasta oo dhaawacyada ugu badan ay soo gaareen shisheeyaha kale ee ka soo jeeda dalal Afrikaan ah.
Madaxweynaha Dowladda K/Afrika Jacob Zuma ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisada u dhaxeysa shacabka dalkaasi iyo dadka ajaanibta ah, wuxuuna cambaareeyay weerarada lagu hayo goobaha ay ku ganacsadaan shisheeyaha dalkaasi degan.
“Rabshadaha jinsi nacaybka waa in la joojiyaa” ayuu yiri Madaxweyne Jacob Zuma oo tacsi u diray dhammaanba dadkii ajaanibka ahaa ee waxyeelada ka soo gaartay.
Madaxweyne Zuma ayaa ugu baaqay bulshada K/Afrikaanka ah inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka ay ku hayaan dadka shisheeyaha ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay tallaabadani tahay mid weji gabax ku ah shacabka dalkaasi.
Dhinaca kale qaar ka mid ah ajnabiga dalka K/Afrika ayaa megen gelyo ahaan u galay saldhigyada Booliska dalkaasi, iyadoo waddooyinka qaarkood ay yaalaan meydadka dad u dhashay dalalka Afrika oo yaala waddooyinka magaalada Pritoria, iyo degaano kale.
219-500x384
 
 
152-500x324
 
145-500x334
 
133-500x333
129-500x324
 
 
 
610-500x333
 
514-500x334
 
 
414-500x333
313-500x333
 
 
1210-500x333
 
Berberanews.com