Garoowe(berberanews)-Qaar kamida dadka Ajaanibka ah eek u dhintay Qarax saaka aroornimadii hore lala eegtay Gaadhi QM leedahay, ayaa la aqoonsaday dalalka ay ka soo jeedaan
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari Bus ah oo Shaqaale ka qaadayay afaafka hore ee xarunta Hay’adda FAO, waxaana sida la xaqiijiyey ku dhintay 7 qof oo 4 kamid ahi ay yihiin Ajaanib ka howl-galayey Xafiiska QM ee Garoowe. Waxa kale oo la sheegay inay dhaawacmeen ilaa afar kale oo ajaanib ah.
Shaqaalaha Ajaanibka ah ee dhintay ayaa u kala dhashay dalalkan.
1-1 Qof oo u dhashay Uganda
2- 2 Qof oo u dhalatay Kenya
3- 1 Qof oo u dhashay Afgaanistaan
Geesta kalena Labo askari oo katirsan Ciidamada maamulka Puntland iyo laba ruux oo rayid soomaali ah ayaa sidoo kale la axqiijiyay inay weerarkaasi ku dhinteen.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Weerarkaas oo ah kii ugu horeeyey ee noociisaa ee ay ka fuliyaan Magaalada Garoowe, inkasta oo ay sanadkii hore Kooxdu Magaalada Gaal-kacayo ka geysatay weerarro ajaanib lagu beegsaday.
Dhinaca kale, Waxa Maanta Magaalada Garoowe soo gaaray labo diyaarad oo leedahay Qaramada Midoobay kuwaa oo halkaasi ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada shaqaalaha ajaaniibta ah ee u shaqeenayay Xafiiskooda.
Magaalada Garoowe ayaa gelinkii dambe ee Maanta lagu soo rogay Bandoow, waxaana socda baadhitaano xoog ah oo ay Ciidamada Dawladdu samaynayaan. Dhaqdhaqaaqa magaalada ayaa aad loo xadiday, waxaana jirta cabsi badan oo la soo deristay shacbiga.
La soco wixii ka soo kordha