Midowga Yurub oo Qorshaynaaya inuu keeno qaab uu uga hortagayo qul qulk Tahriibayaasha. -sawiro

David Cameron Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska iyo Hogaamiyaasha kale ee Midowga Yurub ayaa isla gorfaynaaya talaabooyin iyo dadaalo looga hortago qul qulka Qaxootiga ka gudbaya Badda Mediterranean.
sawir
Hogaamiyaasha EU ayaa daneynaya inay qaadaan talaabooyin ay ku bur buriyaan kuna qabtaan doomaha ka hor inteysan isticmaalin Tahriibayaasha, sida lagu sheegay warbixin hordhac ah oo la helay.
Hogaamiyasha Midowga Yurub ayaa maanta oo Khamiis ah ku kulmaya xaruntooda Brussels, iyagoo ka arinsanaya Qaxootiga faraha badan ee galaya dalalka Yurub iyo dhibataada badda kala kulmaan, waxaana la filayaa inay qeyb ka noqoto arrimaha laga doodayo sidii talaabo Malitari oo ka dhan ah Tahriibayaasha loo qaadi lahaa.
Matteo Renzi Ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muhiimada shirka uu yahay sidii sharci adag looga soo saari lahaa qul qulka soo galootiga Sharcidarada ah iyo waliba in laga hortago in dagaal soo galooti oo uu tilmaamay inay mas’uul ka tahay geerida 1,000 oo Todobaadkii la soo dhaafay ku dhintay Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga.
Ilo diblomaasiyiin ayaa u sheegay warbaahinta in 28-dal oo xubno ka ah Midowga Yurub ay si cad u sheegeen inay ansixinayaan rabitaanka ah in la qaado Talaabo Malitari oo ka dhan ah Tahriibayaasha.
Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Roberta Pinotti, ayaa goor sii horeysay sheegay inay ogyihiin halka Tahriibayaasha iyo doomahooda ay ku dhuumaaleysanayaan, islamarkaana halkaasi Fara gelinta ay ka bilaabaneyso.
ff hhh jjj kkk
Halkan ka Daawo