YEMEN (berberanews) Xuutiyiinta Yemen ayaa qabsanay dhul hor leh, saacado kadib markii Isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga ay joojiyeen duqeymaha cirka ah, waxaana la soo sheegayaa in dagaalo hor leh ay ka socdana goobo kala duwan.
Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay qabsadeen xarumo milateri oo ku yaalla magaalada Tacis, iyadoo halkaas dagaalo ku dhex marayaan ciidamada daacad u ah Madaxweynihii Yemen Abdirabuh Mansour Hadi iyo maleeshiyooyin kale.
Sacuudiga ayaa xalay ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba joojiyay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen oo socotay muddo afar todobaad ah.
Duqeymaha Sacuudiga horkacayay ayaan hakin dagaalada Xuutiyiinta ka wadeen dalka Yemen iyo halgankooda ay ku doonayeen inay talada dalka la wareegaan.
Dowladda Iiraan oo lagu eedeeyo inay taageerto Xuutiyiinta ayaa soo dhoweysay go’aanka Sacuudiga ku hakineyso duqeymaha, waxaana ay ku baaqday wada hadalo xal looga gaarayo dagaalka Yemen