Nin lagu tuhmay inuu doonayay inuu dilo Madaxweynaha Kenya.

Kenya(berberanews) Booliska dalka Kenya ayaa su’aalo weydiinaya ruux Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inuu doonayay inuu dilo M/weynaha Kenya Uhhuru Kenyatta.
Saciid-Mire-Siyaad-500x278
Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Saciid Mire Siyaad oo 46 sanno jir ah ayay ciidamadu sheegeen inay xireen maalintii Talaadada ee todobaadkaan waxaana laga qabtay banaanka guriga M/weyne Kenyatta.
Saraakiil booliska Kenya ka tirsan ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Saciid uu ciidamada illaalinayay guriga M/weynaha uu weydiistay in loo fasaxo guriga si uu ula kulmo M/weynaha iyo hooyadiis kadibna ay xireen.
Warar ay hay’adaha amaanku soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in hadda la baarayo Saciid oo ay ku tuhunsan yihiin inuu doonayay inuu dilo M/weynaha Kenya.
Shalayna maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa amartay in baaris dheeraad ah la galiyo kiiskaan ninkaan Soomaaliga ah ee lagu eedeeyay inuu qorshaynayay dilka M/weynaha wadanka Kenya.
Dhanka ehelada Saciid ayaa iyana warbaahinta Kenya u sheegay in Saciid uu yahay ruux maskax ahaan jiran oo uu dhimirka la’yahay tan iyo sanadkii 2004,kii.
Axmed Mire oo Saciid la dhashay ayaa sheegay inay dhawaan magaalada Nairobi u tageen si ay u daaweeyaan hase ahaatee ay Talaadadii waayeen kadibna loo sheegay in ciidamada argagixiso la dirirka uu u xiran yahay.
“Waxaan aaminsanyahay in Saciid uu xiran yahay Soomaalinimada iyo Islamnimada waayo waa ay ka muuqataa inuu yahay qof dhimirka la’a” sidaas waxaa yiri Axmed Mire.