Nepal(berberanews) Dhul gariir xoog leh ayaa ka dhacay dalka Nepal. Dhukl gariirka ayaa cabbirkiisu ahaa 7.9 Richter scale, meel u jirta 80km caasimadda dalkaas ee Katmandhu ayaa xooga dhul gariirku ka dhacay, waxaana uu si weyn u saameeyey caasimadda , iyada oo ay dumeen guryo dhererkoodu gaadhayo 60 mitir.
Ugu yaraan 870 qof aya la aaminsan yahay in ay ku geeriyoodeen, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in dad badan ay ku hoos jiraan dhisamayaasha burburay.
Maamulada hoose ee dalkaas ayaa sheegaya in ay xaqiijin karaan dhimashada dad ka badan 750 qof, laakiin ay intaas ka badan karto marka la eego dhismayaasha waaweyn ee dumey.
Sidoo kale dad aad u badan oo qaba dhaawacyo kala geddisan ayaa la gaarsiiyey isbitaalada.
Dhulka dalka Nepal ayaa kamid ah dhulalka u nugul dhulgariirka, sanadihii Sodomaadkii dhul gariir ka dhacay wuxuu gebi ahaanba burburiyey xarunta dalka nepal ee Katmandhu.
Berberanews.com