General Gaafaw muxuu ka yidhi in lagu amray iyo in kale inaan dadka Muqdisho ka soo dhoofayaa Hargeysa Baasaabboor u soo qaadan?

Oslo(Berberanews):- Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Federaalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud, ayaa ka hadlay inay dawladdu ku amartay inaan dadka Muqdisho iyo garoonnada diyaaradaha ee gobollada kale ee Soomaaliya ka soo dhoofayaan Baasaabboor u qaadan karin magaalooyinka Somaliland iyo inaanay dadka Somaliland ka tegayaa Baasaabboor ku geli karin Soomaaliya.

GENERAL GAAFOW

Taliye Gaafaw, ayaa su’aalan la weydiiyey, kuwaasoo uu ka jawaabay, ka dib markii toddobaadkii hore Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari sheegay inaan dadka Soomaaliya ka imanayaa Baasaabboor u soo qaadan karin Somaliland, isla markaana aanay Soomaaliya kala xayirnaan doonin ee meel walba uu Baasaabboorka Soomaaliya ka shaqayn doono, hadalkaas oo ay Xukuumadda Somaliland ka xumaatay, isla markaana Masuuliyiin kala duwani jawaabo ka bixiyeen ay ku burinayaan hadalka Guddoomiye Jawaari oo ay ku tilmaameen Hanjabaad aan waxba ka jirin.

Haddaba, Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya oo isagoo magaalada Oslo ee dalka Norway booqasho shaqo ku jooga u warramay Ramaasnews, waxa uu ku dooday in Laanta Socdaalka Somaliland ay leeyihiin wada-shaqayn iyo xidhiidh fiican oo ay kaga wada hawlgalaan hawlaha dhinaca amniga iyo dhaqdhaqaaqa. Waraysigaas oo dhammaystiran, isla markaana dhinacyo kala duwan taabanaya ka daawo Muuqaalkan Hoose:-

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.