Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Oo Cod Ku Ansixiyey Xilka-qaadistii Madaxweyne Siilaanyo Ku Sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare

Hargaysa (berberanews)Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta Labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtidu ku yeesheen Magaalada Hargeysa, ayey cod aqlabiyad ah ku taageereen Xilka-qaadistii dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali.
qax
Fadhigan oo ay kasoo qaybgaleen 128-Mudane oo labada Gole ka kala tirsani, ayaa waxa Guddoominayey Guddoomiye-kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, waxana ka hor Intii aan codka la qaadin laga hor akhriyey labada Degreetadii uu madaxweynuhu xilka kaga qaaday Guddoomiye Yuusuf ismaaciil Cali.
 
Codayn kadib waxa ogolaaday in xilka-qaadista Yuusuf Ismaaciil Cali ay sidaas ku hirgasho 88-Mudane, Waxana Diiday 32-Mudane, Halka ay ka aamuseen 15-Mudane, waxana sidaas ku hirgashay Xilka-qaadistaas uu madaxweyne Siilaanyo Sameeyey.
 
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dhawaan si lama filaan ah xilkii ugu qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, waxana uu Degreetada Xilka lagaga qaaday lagu sheegay in loo cuskaday Wada-shaqayn la’aan dhinaca Guddida caddaalada ah oo lagaga cawday iyo Dhibaato dhinaca Garsoorka ah oo Dalka si weyn looga dareemay.