Indonisiya oo Xukun dilaha ku xukuntay 10-Qof oo aan udhalan dalkeeda

(berberanews)-Indonesia ayaa madaxda safaaradaha dalkeeda ku yaalla weydiisatay inay ka qeybgalaan dilka ugu yaraan 10 qof oo ajaaniib ah oo lagu eedeynaayo dimbiyo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada.
150309062329_death_penalty-_indonesia_624x351_jewelsamadsonnytumbelakastrbayismoyometrotvsuryowibowoafpgettyimages
Waxa loo sheegi doonaan hanaanka loo marayo dilka dadkan lagu fulinayo. Ujeedada arrintan ayaa waxa ay tahay in maxaabiistan si degdeg ah loo dilo.
Qaar ka mid ah dowladaha caalamka ayaa ka digay halista ka dhalan karta haddii dilkaasi uu dhaco.
Laba qof oo u dhalatay Australia ayaa ka mid ah dadka dilka lagu xukumay ee la doonayo in lagu fuliyo.
Julie Bishop oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Australia oo warbaahinta kula hadashay xarunta NATO ayaa u digtay Indonesia.