1200 oo qof oo Soomaali ah oo ka soo qaxay Yemen soona gadhay dekadda Bosaso

puntiland(berberanews) Magaalada Bosaso waxaa maanta soo gaaray dooni sida qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo ka soo cararay dagaalada ka jira dalka aynu nahay deriska ee Yemen.

IMG_9789-740x493

Tirada guud ee dadka saarnaa doonida ayaa lagu sheegay in ay gaadheyso 1200 qof oo isugu jiray rag, dumar, carruur, dhalinyaro iyo dad da’ah, waxaana ay u badnaayeen caruur iyo dumar. Qaarkood waxa ay qabeen xanuuno kale duwan, isla markaana waxaa loo gudbiyey xarumaha caafimaadka ee magaalada Bosaso si xaaladooda caafimaad lagula tacaalo.

 

 

 

Maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, dhalinyaro, aqoonyahano, siyaasiyiin, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, saraakiil, hay’adaha ka hawlgala magaalada ayaa dadkaasi kala hortagay biyo, cunto iyo daawo.

 

Magaalada Sanca ee dalka Yemen ayey ka soo qaxeen qaxootigaasi. Qaar ka mid ah shacabkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in carruurtooda ay kaga soo carareen dalka Yemen, kadib markii ay kala go’doomeen ilaa iyo hadana aysan ka warheyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.

 

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo saxaafadda kula hadlay gudaha dekadda ayaa sheegay in qaxootigan loo gudbin doono xaurmo loogu tala galay ilaa laga gaarsiinayo goobihii ay ku wajahnaayeen. Maayorka Bosaso ayaa sheegay in badan oo dadkan kamid ah in ay ka soo jeedaan deeganada Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

 

Cabdullaahi Qoobdeero wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si wanaagsan ay u soo dhaweeyeen qaxootiga dib ugu soo laabtay dalkooda.

 

Xukuumadda Puntland ayaa goobo ay degaan ugu tala gashay qaxootiga,halkaasi oo loogu diyaariyey cunto biyo iyo daawo, isla markaana u fudueysa dadka gobolada kale u sii gudbaya

 

Dowladda federaalka ayaa marar badan sheegaysa in ay wax ka qabanayso xaaladda Qaxootiga, gurmad u fidineyso, mar waxayba sheegeen in ay soo daad gureynayaan, laakiin sida Puntland sheegayso xitaa kama qaybqaataan kuwa iskood u soo noqdey in wax lala qabto oo la gaarsiiyo halkii ay u baahnaayeen.