Sishiliya (berberanew) Markabka dagaalka ee Foscari oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga leeyihiin ayaa xalay ku xidhay Dekedda Augusta ee Jesiiradda Sishiliya, wuxuuna waday ku-dhawaad 335 Tahriibayaal u badan Somali iyo Nigeria.
Tahriibayaasha ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey meel 64 KM u jirta Badda Libya, iyagoo khatar ugu jira inay doonidooda degto.
Tahriibayaasha oo ay ka mid ahaayeen 38 haween iyo ilmo yar ayaa waxaa u gurmaday Markab ay Ciiddanka Badda Talyaaniga leeyihiin oo gaafwareegayey Badda Mediteraneanka.
Afhayeennadda Hay’adda Save the Children, Jeeman Parkin ayaa sheegtay inay ku jireen haween xaamilo ah iyo dad u kala dhashay dalalka Somalia iyo Nigeria.
Afhayeenadda waxay sheegtay inay Tahriibayaasha u sheegeen inay soo mareen xallad xun, isla markaana aaney wax cunin muddo shan maalmood.
Tahriibayaasha waxay sheegeen inay ilaalo hubeysan haysteen muddadii ay sugayeen doonida, iyadoo 3 carruur ah ku geeriyoodeen muddadii ay ku jireen gacanta kooxaha wax tahriibiya.
Dhinaca kale, in ka badan 1,800 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay sannadkan ku geeriyoodeen Badda Mediterraeanka, iyadoo in ka badan 900 qof ay bishan hor ahaanteedii ku hafteen Badda.