Faraqa u dhexeeya ilmaha caadaysta daawashada TV-ga iyo kan kale

(berberanews)-Cilmi-baadhis laga sameeyey dalka Maraykanka, ayaa iftiimisay in ubadka telefiishanka aan daawan amma yaraysta ay ka akhlaaq wanaagsan yihiin, dhinaca waxbarashadana kaga fiican yihiin kuwa badsada daawashada filimada amma TV-ga gebi ahaanba, iyadoo la ogaaday in daawashada telefishanku saamayn ku leedahay tacliinta iyo dhaqanka ubadka.
TV
Daraasadan cusub waxa cilmi-badhayaashu ku iftiimiyeen in haddii waalidku ubadka u xadido waqtiga ay telefiishanka daawanayaan amma uu ka joojiyaba uu xagga waxbarashada ku wanaagsanaado, dhaqan ahaana uu noqdo mid dhisan.
Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay jariirada JAMA Network Journals waxa laga qaaday in ka badan 1,300 carruur dugsiyada u jirta oo u dhaqan magaalooyinka  Lowa iyo Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaanay daraasadu qayb ka ahayd barnamij lagaga hortagaayo cudurka buurnida xad-dhaafka ah.
 
Dr. Douglas Gentile oo cilmi-baadhistan hoggaaminaayey,kana tirsan Jaamacada Lowa State University oo arrintan ka hadlaya wuxuu yidhi; “Natiijadu waxay soo bandhigtay in haddii waalidku u xadido ubadka waqtiga telefiishanka uu daawanaayo ay u keento carruurta hurdo fiican, dugsiga waxbarasho inuu ku fiicnaado, dhaqan ahaana dhisnaado, isla markaana aanu noqon mid xad-gudubkiisa iyo dagaalkiisuba badan yahay, sababtoo ah daawashada telefiishanka ubadka intay yar yihiin waxay ku abuurta inay noqdaan qaar dabeecado togan ku kora,.”
 
Cilmi-baadhistu waxay intaa ku dartay in waalidka aan ubadkooda ka xakamayn daawashada telefiishanka ay noqdaan carruurtu qaar aakhirka la kulma buurni