Siiriya(berberanews)-Laba qoof oo Iswidhish ah kuwaas oo afaduub loogu haystey dalka Siiriya ayaa dib u heley xornimadoodi. Sidaas waxaa xaqiijisey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden.
Labada qof ayaa la sii daayey maalintii Jimcada, waxaana ay hadda dib ula midoobeen qoysaskoodi. Sii deynta labadan qof ee afduubka loogu haystey Siiriya waxaa ka qayb-qaatey Sirdoonka Falastiin oo kaashanaya kuwa Urdun.
Magacyada labadan nin ayaa lagu kala sheegay Thomas Olsson iyo Martin Reén, waxaana ay dalka Siiriya u tageen qorshe shaqo sida uu qorey Wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa dalka Sweden. Thomas Olsson ayaa sheegay in muddadii la haystey si wanaagsan loola dhaqmey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallström ayaa uga mahad celisey dedaalka ay sameeyeen Falastiiniyiintu iyo weliba Madaxweynaha Falastiin ee Maxamuud Cabbaas.
Sida laga soo xiganayo TT wakaalada wararka ee dalka Sweden, labadan qof waxaa la afduubtey sanadkii 2013.
Safiirka dalka Falasiin u fadhiya Sweden ayaa sheegay in labadan qof ee u dhashey dalka Swden ay afduubatey Jmahadda xagjirka ah ee Nusra taas oo xiriir la leh al-Qaacida, waxaana ay ku haysteen xuduudka Siiriya iyo Urdun. Wada hadalka lagu sii daayey ayaa socdey muddo laba bilood ah, lamana sheegin in madax-furasho lagu sii daayey iyo in kale. Jamhadda Nusra ee dalka Siiriya ayaa dadka ay afduubato ka qaadata madaxfurasho.