AUSRLIA (berberanews)-Ausralia ayaa u yeedhatey safiirkii u fadhiyey dalka Indonesia, kadib markii laba nin oo u dhashey dalka Australia ay ka mid ahaayeen kooxd tahriib ku gelisey Daroogo Indonesia oo habeenkii xalay lagu fuliyey dil horey loogu xukumey.
Raysalwasaaraha dalka Awstraaliya Tony Abbot ayaa sheegay waxyar kadib markii habeenkii xalay la del-delay kooxdii daroogada tahriibin jirtey in ay u yeeranayaan Safiirkooda, taas oo ay uga mudaaharaadayan dilkaas naxariis darada ah ee aan loo baahneyn sida uu yiri.
– Waan ixtirameynaa madaxbanaanida dalka Indonesia, laakiin tan waxay nagu kalifeysaa in aan muujino sida aan uga xunahay.
Abbot ayaa ku tilmaamey xiriirka Indonesia iyo Australia mid muhim ah, waxaase arrimaha maalmihii u danbeeyey socdey dhaawaceen xiriirka.
Ma ahan mid looga bartey dalka Australia in ay u yeeraan safiiradooda, gaar ahaan marka la del-delo ganacsatada daroogada tahriibiya. Sanadkii 2005 ayaa sidaan oo kale dalka Singapore u dileen muwaadin u dhashey Australia oo daroogo lagu qabtey, Australia uma yeeran safiirkeeda.
Habeenkii xalay ayaa 8 kamid ah kuwa daroogada Tahriibiya lagu del-delay dalka Indonesia oo ah dalka ugu tirada badan Muslimiinta caalamka.
Dalalka reer galbeedka iyo hay’adaha xuquuqda ayaa si weyn uga qayliyey xukunka ay Indonesia ku irdey kooxda tahriibisa daroogada. Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa sheegay in maalinkasta dad aad u badan oo Induniisiya u dhashey ay u dhintaan dhibaada Daroogada kuwa hadda la dilaayo ay dalka soo gesheen, caalamkana laga doonayo in ay ogaadaan in kuwa la dilaayo sabab u yihiin dhimashada kumaankun qof.
Berberanews.com