Hargeysa (berberanews) – Laba qof oo midkood Ajaanib ahaa ayaa geeriyooday shil baabuur oo maanta ka dhacay deegaanka Aw Barkhadle ee jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, ka dib markii gaadhi weyn oo siday Lo’ uu jiidhay gaadhi Laan Kuruusar ah oo ay lahayd hay’adda Cunnada adduunka ee FAO.
Shilkaasi ayaa waxa ku dhintay dirwalkii waday gaadhiga Hay’adda FAO iyo Sarkaal Ajaanib ahaa oo la socday, inkasta oo aan ilaa hadda la caddeynin jinsiyadda ama waddanka uu u dhashay.
Gaadhiga xamuulka ah ee siday Lo’da oo sida la wariyey xawaare ku socday ayaa gaadhiga Hay’adda ee uu jiidhay jidka Laamida ah kala baxay ilaa 200 mitirs, taasi oo sida sawirka ka muuqata muujinaysa khatarta Shilkaasi.
Dirawalka waday gaadhiga hay’adda FAO ee shilkaasi ku dhintay ayaa ILAAHAY ha u naxariistee waxa Magaciisa lagu sheegay Yaxye Xirsi.
Maydka labada qof ee ku dhintay gaadhiga la jiidhay ayaa la geeyay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, waxaana ciidamada nabadgalyada waddooyinku bilaabeen baadhitaan la xidhiidha sida shilkaasi u dhacay.
Maaha markii koowaad ee shil noocan oo kale ahi ka dhaco jidka Berbera iyo Hargeysa u dhexeeya, laakiin waxa markii ugu horeysa ah in qof ajaanib ahi uu ku dhinto shil ka dhaca halkaasi.