Italy (berberanews)-Koox ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Aduunka ee la yiraa, IOM, oo ku sugan dalka Taliyaaniga, ayaa sheegtay in ugu yaraan dadka u haajiraya Europe ee tahriibka ku galay xeebaha u dhaxeeya Libya iyo Taliyaaniga ay gaarayaan 14, 908 qof tiro ahaan.
IMO ayaa ku tilmaamtay Baddii dhimashada Badda Mediterranean-ka oo ah halka ay sii maraan Tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Xeebaha Dalka Talyaaniga.
Hay’adaan waxa ay sheegtay in marka la fiiriyo sanadkii tagay ee 2014 ay dadkii ku safray baddaas ee la badbaadiyay ay gaarayeen 15,682 qof, oo marka la fiiriyo tirada hadda la hayo ee laga badbaadiyay baddaas sanadkan aad uga badan.
Hase ahaatee, IOM waxa ay leedahay waxaa laga yaabaa in maalmaha ama toddobaadyada soo socda ay ka talaabaan baddaas dad aad uga badan intii hore, taasina waxa ay ka dhigi doontaa bey tiri IOM in ay sanadkan 2015 ku tahriibeen Mediterranean-ka dad ka badan kuwii ku tahriibay sanadkii hore.
Laakiin sikataba, Wasaarada Arrimaha Gudaha Taliyaaniga ayaa sheegeysa in sanadkii tagay ay dadka ka badbaadiyeen Baddaas Mediterranean-ka gaarayeen 26,644 Muhaajariin ah, hase ahaatee IOM ayaa la sheegay in ay qudheeda xisaabisay in ay isku dayeen in ay baddaasi maraan dad ay tiradoodu gaareyso 25,703 qof, taasi oo ay hay’adu sheegeyso in ay tahay wax aad loo filan karo in ay sanadkan tahriib ku galaan Europe in ka badn intii sanadkii hore.
IOM waxa ay sheegtay in waxa ugu cajiibka badan ay tahay in dadka sanadkaan Baddaas ku dhintay ay aad uga badan yihiin kuwii sanadkii hore ku dhintay halkaas. “Sanadkan waxaa dhintay 1,780 qof” ayuu yiri Federico Soda, oo ah Agaasime goboleedka Mediterranean-ka ee IOM. Marka loo barbar dhigo sanadkii hore, waxaa dhintay buu yiri 96 Qof.
Dadka Tahriiibaya ayay IOM sheegtay in ay isugu jiraan dad waligoodba ku haminayay tahriibka iyo qaar ay xaalado lasoo dersay ku qasbeen sidaas. Dalalka Africa iyo Asia meelo ka mid ah ayaa ah kuwa ugu badan ee tahriibkaas qatarta badan gala. “Meelaha ugu badan ee lagu tahriibo waa xeebaha Tunisia, Greece iyo Libya” ayay tiri IOM.
“Waxa bishan lagu arkay badda waxa ay ahaayeen lama filaan” ayuu yiri Soda. “Dadka tahriibayay waxaa ku badnaa dad kasoo haajiray dalalka Saxaraha ee Afrika” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. “Dad badan oo usoo bareerayay qatarta badda waxa ay ku noolaan waayeen qatarta Libya” ayuu sidoo kale yiri Soda.
Hay’ada Muhaajariinta Aduunka ee IOM waxa ay sheegtay in inbadan oo ka mid ah dadka sanadkan laga badbaadiyay badda ay ahaayeen Soomaali, waxaana ka mid ahaa haween iyo caruur. Hase ahaatee dadka la badbaadiyay waxaa sidoo kale ku jiray bey tiri IOM dad reer Maali ah iyo kuwo Nigeria kasoo jeeda.
IOM waxa ay sheegtay in ay hadda aduunyadu ka fekereyso sidii dadkaas loo badbaadin lahaa, loogana ilaalin lahaa xeebaha Europ. Dalalka Europe, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha qaabilsan Muhaajiriinta ayaa hadda ka fekeraya arrinkaas.