US: Bandow lagu soo rogey Baltimore, kadib rabshado dhacay

USA-(berberanews)-Waxaa habeenkii labaad ka socda magaalada Baltimore ee gobolka Maryland dalka Maraykanka rabshado xooggan oo ay wadaan dhalinyaro caraysan, kuwaas oo ka caraysan dhimashada nin madow ah oo xabsiga Booliska ku dhintey 19 Abril 2015.
 baltimore-740x416
Booliska ayaa isticmaalayey sunta indhaha ilmada ka keenta iyo rasaasta caaga ah, si ay u kala jebiyaan dhalinta sharciga ka boodsan ee mudaaharaadyadoodi u bedeley rabshadaha.
 
 
 
Boolisku waxay ku dhawaaqeen in magaalada Baltimore ay Bandow tahay wax socon karaana aysan jirin 10pm ilamaa iyo 5am.
 
Inkasta oo ay jiraan dhalinyaro aan dheg jalaq u siin bandowgaas oo habeenkii xalay lagu arkaayey waddoyinka iyaga oo rabshado samaynaya, isla markaana ay isku dhaceen Booliska.
 
Barasaabka gobolka Maryland Larry Hogan ayaa sheegay in ciidanka keydka ah ee ilaalinta qaranka oo ka badan 2000 iyo 1000 kamid ah ah askrata Booliska la geeyey Baltimore si ay uga qaybqaataan dejinta xaaladda,
 
Dhalinta rabshadaha wada ayaa burburiyey qaar kamid ah goobaha ganacsiga, gawaarida ciidamada, goobaha dowliga ah, waxaana ay si bareer ah u dhacayeen xitaa dadka jidadka maraaya.
 
Rabshaduhu waxay bilowdeen maalintii Isniinta kadib markii nin dhalinyaro ah oo madow ah Boolisku qabteen 12 Abril kaas oo dhaawac Boolisku gaarsiyey ugu dhintey xabsiga 19 Abril.
 
Ugu yaraan 20 Boolis ah ayaa ku dhaawacmey rabshadaha labada maalmood ka socdey Baltimore, waxaana la qabtey dad ka badan 200 oo qof, waxaana ay dhalinyaradu dab qabadsiiyeen in ka badan 150 gaari.
 
Dhimashada Freddie Gray oo ahaa 25 jir ayaa murankiihorey u  taagnaa sii xoojisey horey ayaa Booliska Maraykanka loogu eedeeyey in ay si gaar ah u beegsadaan dadka Madowga  waxaana dilalaka eeda badan ka dhacdey ay ka dhaceen Fergoson gobolka Misouri, New York gobolka Ohio, iyo kii u danbeeyey ee kaamaradu qabatey isaga oo dhabarka ka tooganaya qof aan hubeysneyn oo Madow ah.
B
 
 
Madaxweynaha dalka Maraykanka oo qudhiisu ka soo jeeda dadka Madowga ah ayaa habeenimadii xalay sheegay in  kuwa rabshadaha wadaa aysan haysan wax qiil ah oo ay u sameeyaan dhibaatada intaas la eg, qofkasta wixii uu geystey ayuu masuul ka yahay ayuu yiri Obama, waxaana uu ku baaqey in ay guryahoodi ku labtaan oo xaalada dejiyaan. Weerarka goobaha ganacsiga iyo gawaarida gubanaysa ayuu ku tilmaamey kuwo loola dhaqmaayo sida denbiilayaasha.
 
b