Tirada Qaxootiga Ka Soo Cararey Dagaalada Yemen ee Soo gaadhay Somaliland oo lashaaciyay iyo waxii gargaarloofidiyay

Berbera(Berberanews)-Tirada dadka Qaxoontiga ah ee ka soo qaxay dagaallada ka socda waddanka Yemen ee soo gaadhaya dalka Somaliland, kuwaasoo lagu qaabbilo Dekedda magaalada Berbera oo ay ku soo xidheen illaa shan Doonyo iyo Maraakiib isugu jira oo Qaxoonti Soomaali, Yemeniyiin iyo Itoobiyaan isugu jira ka soo qaaday Xeebaha Yemen.qaxooti
download (2)
Dadka Qaxoontiga ah ee tan iyo dabayaaqada bishii hore soo gaadhay Dekedda magaalada Berbera ee dalka Somaliland, ayaa ah Kun, afar boqol iyo toddobaatan qof (1470), kuwaasoo u badan Soomaali, isla markaana ay weheliyaan illaa laba boqol oo qof oo u dhashay waddanka dagaalladu ka socdaan ee Yemen iyo Itoobiyaan kooban, kuwaasoo ay dawladda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha Qaxoontiga ka hawgalaa ku qaabbilaan Berbera.Qaxoont
Inta badan dadkan Qaxoontiga ah ayey loo kala qaaday deegaannada kala duwan ee ay u dhasheen ee Soomaaliya iyo Somaliland, iyaga oo dhammaan dadkaasi markay soo gaadhaan magaalada Berbera ee la dejiyo goob loogu talo-galay inay ku nastaan dadkaas ka dibna ay kala aadaan goobaha ay rabaan iyo sidoo kale goobo loo qorsheeyey.
Dadkan oo inta badan marka ay soo gaadhaan Berbera ay eheladooda ku kala dhaqan Somaliland iyo Soomaaliya gurmad u fidiyaan, isla markaana qaarkood eheladoodu halkaas ka soo qaadaan, iyaga oo geynaya deegaannadooda, halka kuwa Soomaaliya u dhashay ay eheladoodu lacag ay ku gaadhaan deegaannada badi Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, halka ay qaarkood iyagu is-anfacaan.
Tirada ugu yar ee ka tirsan Qaxoontiga Berbera soo gaadhay, ayaa u baahata gargaar, kuwaasoo aan helin ehel caawa, iyaguna aan dhaqaale ahaan isbixin karin, waxaana kuwaas qaabbila Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland, Hay’adaha UNHCR, Bisha Cas iyo IOM, iyadoo Hargeysa looga soo gudbiyo Berbera. Sida uu caddeeyey Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil ahna Guddoomiyaha Guddiga qaabbilaadda Qaxoontiga Yemen ka imanaya ee Somaliland soo gaadhaya Xaamud Xuseen Cabdillaahi oo u warramay Weriye Barkhad Kaariye oo ka tirsan VOA laanteeda Afka Soomaaliga.
“Inta halkan aannu Kaam uga dhisayno loo qaboojiyo, waxaannu ugu talo-galnay in Hargeysa, Boorama iyo meelahaa qabawga ah aannu geyno…” sidaa ayuu VOA u sheegay Xaamud Xuseen Cabdillaahi. Waxaanu intaas ku daray in dadka Qaxoontiga ah ee Berbera soo gaadhay ay ku jireen saddex Haween ah oo Uur lahaa, isla markaana markii ay Berbera soo gaadheen Fooshu qabatay, loolana cararay Cusbitaalka guud ee magaalada Berbera halkaasoo ay ku ummuleen, gargaar Caafimaad-na uu sheegay in loogu fidiyey.
Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdiilaahi oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga qaabbilsan soo dhawaynta iyo qaabbilaadda Qaxoontiga Yemen ka imanaya ee Somaliland, waxa uu sheegay inay Laashash dheereeyaa ka qayb-qaataan soo dhawaynta iyo u fidinta gargaarka caafimaad ee ay u baahan yihiin qaxoontigu intaanay Doonayaha iyo Maraakiibta ay saaran yihiin kuba soo xidhan Dekedda Berbera, kagana hor-tagaan Badda dhexdeeda.
Mar Guddoomiye Ku-xigeenka Saaxil la weydiiyey waxa ay ku kala gartaan dadka qaxoontiga ah ee dhab ahaan u soo qaxay iyo dad ay dhici karto inay kaba tirsan yihiin Xuutiyiinta dagaalka ka wada Yemen oo ku soo dhex-dhuuman kara qaxoontiga, waxa uu ku jawaabay; “Waxaannu ku kala garan karnaa waannu kala naqaannaa, indho gaar ah oo loo eego ayay leeyihiin, dadka imanaya dumar iyo carruur bay u badan yihiin, waanannu wada baadhnaa, Ragga wixii aannu ka shakinana si gaar ah baannu u baadhnaa.”
Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Saaxil, waxa uu sheegay tirada illaa hadda soo gaadhay magaalada Berbera ee Qaxoontiga Yemen ka imanayaa dhan tahay 147 qof oo laba boqol ku dhawaad ka tirsani ay yihiin Carab ama Yemeniyiin iyo qoysas Itoobiyaan ah oo aad u kooban, waxaanu intaas ku daray inay weli sugayaan inay tirada qaxxoontigu intaas ka soo badato, isla markaana maalmaha soo socda ay filayaan in illaa toddoba boqol oo Qaxoonti Soomaali u badani soo gaadhaan Dekedda Berbera, kuwaasoo haddal ku hawlan ka soo bixitaanka waddanka Yemen ee ay dagaallada sokeeye iyo Duqaymaha Xulufada Carabtu ka socdaan.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa sheegay inaanay Maraakiibta iyo Doonyaha Qaxoontiga Yemen ka soo qaada ee soo gaadhsiiya Berbera u eegin Maamul Deked ahaan Shuruucda Socdaalka ay Gaadiidka kale ee Badda u eegaan. “Annaga doorkayagu ma yara, waa inaannu soo dhawayno oo aannu Dekedda ku qaabbilno dadka iyo waxay sitaan, si habsami ah u soo saarno ka dibna ku wareejinno Maamulka gobolka Saaxil.” ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera oo u warramay Weriyaha VOA-da Barkhad Maxamuud Kaariye.
Qaar ka tirsan dadka Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka qaxaya dagaallada Yemen, ayaa Axaddii toddobaadkan ku dhintay Gantaal ay diyaaradi ku ridday iyagoo ku qaxayey laba Gaadhi oo midkood Bas ahaa, kuwaasoo tiradooda ugu yaraan 30 qof oo Soomaaliyeed ahaa, sida uu Saxaafadda u sheegeen Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Sanca ee dalka Yemen. Waxaanay dadka soo qaxaa sheegaan in dhibaatooyin badan oo dil, dhac, kufsi iyo tacaddiyo ah u geystaan Soomaalida dalkaas ku dhaqan Jabhadda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira dawladda dalkaas.
Waxaanay Somaliland iyo Soomaaliya-ba taageereen hawlgallada Millateri ee ay Xulufada Jaamacadda Carabta ee Sucuudigu hoggaaminayaa ka bilaabeen bishii hore dalka Yemen, iyagoo diyaaradohooda dagaalku duqaymo xooggan u geystay Xuutiyiinta dawladda dagaalka kula jira, inkastoo aan haddana awooddooda la wiiqin ee ay dagaallada ka dhan ah dawladda iyo Sunniyiinta Yemen sii wadaan Xuutiyiinta Shiicada ah oo dawladda Iran taageero Millateri ka hela. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa mar kale isna shalay ku celiyey inay dawladda oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah laga soo daad-gurayn doono waddanka Yemen maaddaama oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu dhibaateeyey dalkaas tan iyo markii ay dagaalladu ka bilaabmeen.