Baydhabo(berberanews)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa magaaladqaasi lagu dilay wariye ka shaqeynayay idaacad ku taalla magaaladaasi iyo sidoo kale xaaskiisa.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in saqdhexe xalay ay gudaha u galeen hoyga uu degan yahay wariyaha, waxaana la tilmaamay in ay halkaasi ku toogteen isaga iyo xaaskiisa.
Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Cali Cumar, waxaana uu ka shaqeynayay Radio Baydhaba, iyadoo goobta ay ka baxsadeen dadkii dilkaasi ka dambeeyay.
Xaafadda dilkaan uu ka dhacay oo lagu magacaabo Berdaale ayaa isla sidoo kale waxaa xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ah, kana mid ah dadka ku shaqeysta farsamada gacanta, iyadoo ciidanka amniga ay halkaasi howlgal ka wadaan.
Ma jirto dad loo soo qabtay dilalkaan ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaana howray magaaladaasi loogu dilay rag culimo u badan iyo Haween .