Nepal (berberanews)-Tirada dadka ku geeriyoiodey dhul-gariirkii ka dhacay Dalka nepal maalintii sabtida ayaa si weyn kor ugu kacay. Waxaana warbixinada u danbeeyey sheegayaan in dad gaaraya 6200 oo qof ay naftooda ku waayeen.
Photograph: Xinhua/Landov/Barcroft Media
Dadka ku dhaawacmey ayaa gaaraya 14 000 oo qof, waxaa buuxsamey isbitaalada waxaana la sameeyey goobo kumeel gaar ah oo ka baxsan isbitalada si dadka loogu daweeyo.
Weli waxaa dhismayaasha dumey hoosteeda ku jira meydad badan, Maalintii shalay ayey ahayd markii wiil 15 sano jir ah oo nool laga soo dhex saarey burburka guryaha 5 maalmood kadib dhul-gariirkii dhacay.
Wasiirka Maaliyadda ee dalka Nepal Ram Sharan ayaa sheegay in dalkiisu u baahan yahay ugu yaraan 2 Bilyan oo dollar si dib loogu dhiso guryaha, Isbitaalada, hay’adaha dowliga ah iyo goobaha taariikhiga ah ee ku dumey dhul-gariirka. Waxaana uu baaqan u direy deeq bixiyaasha caalamka.
Dhul gariirkii ku dhuftey Nepal maalintii Sabtida 25 Abril ayaa awoodiisu gaareysey 7.8, waxaana uu ahaa kii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo 80 sano ah