UK- (berberanews) – Dalalka Qaadhaan-bixiyayaasha ah ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo socodsiinta hannaanka dimuqraadiyadda, ayaa maanta mar kale ka hadlay qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha wakiillada oo Komiishanku u cayimay 1-da bisha Lixaad ee sanadka dambe.
War-murtiyeed uu beesha caalamka ku matalayo Xafiiska Deeqaha ee Dawladda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa ayaa lagu sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaadda doorashada loo qabtey 1-da bisha lixaad ee sanadka 2016-ku uu dhaawacayo kalsoonida beesha caalamku ku qabto hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland caan ku tahay.
War-murtiyeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan:-
Ujeeddo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee Soomaliland.
Bulshada Caalamku waxa ay soo dhawaynaysaa muddaynta ay sameeyeen guddida doorooshooyinka qaranka Soomaliland in ay qabsoonto diiwaangelinta codbixiyuhu iyo xilliga dooroshooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee june 1, 2016. Waxa aannu ku ammaanaynaa guddida dooroshooyinka qaranka ku adkaysashadooda awooddooda dastuuriga ah ee ay ku muddeeyeen xilli-doorasheedda Madaxtooyada iyada oo ay ku tiirsan tahay hab farsamo.
Bulshada Caalamku waxa ay si joogto ah ugu faraxsan tahay una dhiirrigelinayaan inay maqasho in dhammaan dhinacyada xisbiyadu raaceen xilli-doorasheedda ay cayimeen guddida doorashooyinku. Booqasho dhawaan ay ku yimaaddeen Hargeysa ayay xubno ka tirsan beesha Caalamku kula kulmeen xubno ka tirsan dhinacyada uu go’aanku ka go’o sida (Madaxwaynaha, xisbiyada oo dhan iyo Guurtida) si hoosta looga xariiqo baahida loo qabo is afgarasho siyaasayeed oo sahlaysa dhammaystirka hannaanka diiwaangelinta codbixiyaha iyo hubinta in dhicista doorashada ee june 1, 2016. Wax kasta oo dib u dhac ah, oo aanay keenin sababo farsamo, waxa ay wiiqi doontaa kalsoonida guud iyo tan caalamiga ah ee lagu qabey dimuqraadiyeynta Somaliland.
Bulshada Caalamku waxa ay diyaar u tahay in ay taageerto hannaanka dimuqraadiyaynta Somaliland…”ayaa lagu soo gabogabeeyay murtiyeedka ka soo baxay beesha caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta.