Yuhuuda ka soo jeeda itoobiya oo dibadbax rabshado wata ka dhigay Qudus

Qudus-(berberanews)-Banaanbax ay dhigeen Yuhuuda ka soo jeeda Itoobiya ayaa ku dhamaaday rabshad iyada 15 qof oo 2 boolis yihiin ku dhaawacmeen. Dibad baxana oo maanta dhacay ayaa lagaga cabanyey sida ciidamada amaanku ay ula dhaqmeen nin askari ah oo aslakiisu ka soo jeedo Yuhuuda Itoobiya.
Israeli protesters, Jews of Ethiopian origin, participate in a protest on what they say was police violence against their community in Jerusalem
Ciidamada amaanka ayaa adeegsaday sunta ilmada keenta iyo madaafic biyo ah si ay u kala firdhiyaan dadka mudaharaadayey. Dibadbaxayaasha ayaa ku jawaabay dhagaax iyo dhalooyin ay ku tuuraan booliska.
 
Dadka mudaharaadayey ayaa ka cadhoodey muqaal dhawaan la soo bandhigay oo 2 nin oo ciidamada amaanka ahi si xun ugu weerareen askari aslkiisu yahay Itoobiyaan. Dadka isu soo baxay ayaa socd ku tagay xaruunta booliska Israa’iil.
 
Ilaa 120,000 qof oo ka soo jeeda Itoobiya ayaa ku nool Israa’iil iyaga oo aad u rumeysan in si liidata loola dhaqamo. Tiro badan oo dadkaas ah ayaa ku biirtay ciidamada Israa’iil iyada oo ay adag tahay in ay helaan shaqo aan ahayn miltariga.
 
Ra’isulwasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ayaa cambaareeyey falka lagu weeraya askariga madow isaga oo dalbaday degaansho iyo in rabshadha la joojiyo. Waxaa uu xusay in dadka ka soo jeeda Itoobiya ay qaali ku yihiin bulshada inteeda kale islamarkaana dadaal xoog leh loogu jiro sida ay bulshada uga mid noqon lahaayeen.
 
Berberanews.com