ODAYAAL IYO XILDHIBAANO KA SOO JEEDA BEELAHA ARAB OO GUURTIDA IYO XUKUUMADDA UGA DIGAY KORODHSIIMO AAN SHARCIGA WAAFAQSNAYN

Qaar ka Mida Odayaasha , Mujaahidinta Iyo Wax garadka Beesha Koonfurta Magaalada Hargeysa iyo Gobalka Howd ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay
DSC00649DSC00654
Hargeysa(berberanews)  Qaar ka Mida Odayaasha , Mujaahidinta Iyo Wax garadka Beesha Koonfurta Magaalada Hargeysa iyo Gobalka Howd ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay Gudaha Magaalda hargeysa, Waxaan ay go’aan Adag ka istaageen in mudo kordhin ka badan hal sono loo sameeyo Xukuumada Ugu Horayin waxa halkaasi ka hadlay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Otto Biixi) waxaana uu yidhi “ Maalmahan wadanka khilaaf xoog leh ayaa ka taagan oo ku saabsan kordhinta doorashooyinka,kumishanka doorashooyinka, xisbiyada mucaaridka ah iyo dowladu waxa ay isla qaadtay in hal sano lugu daro, hasa ahaatee mushkilad kale ayaa soo koradhay oo ah ninka la yidhaa Saleebaan ee U ah gudoomiyaha Golaha Guurtida saleebaan waxa la modaa inuu ku takhasusay qaabka loo rido dagaalada Sokeeye
Hadab saleebaan waxa uu ahaa ninkii barigii dagaalkii sokeeyaha intuu burco tagay oo lacag loo dhiibay intuu mikirafoon qabsaday yidhi laba saacadood Xidha Albaabada sidii uu kaneeco buufinaayo labadii saacadod waxa ay burco ku qaadatay in laba sano burco dagaal ka socdo maantan halkan saleebaan waxa uu ka yidhi guurtiday dhagah furaysata, hadab waxa aanu leenahay dhagah iyo indhahab hadaad furaysato waxa caalamka , umada iyo xisiyaduba ku heshiiyeen Saacad kuma dari kartida ayaan leenahay anagu.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cali Cismaan Waxaanu Uu Yidhi “ halkan waxa aan maanta isugu nimi oo la leeyahay Guurtidu waxa ay soo wadaa waxa aan dalka iyo  dalkuba raali ka hayin anagoo ku hadlaayna magaca Beesha Dagta Koonfurta magaalda hargeysa iyo Gobalka Hawdba Guurtida waxaanu leenahay raaca waxa daka iyo sadexda xisbi qaran iyo komishnkuba isku raceen oo yaan dalka fowdo la galin ayanu leenahay anagu taas waxa aanu u soo jeedinaynaa Golaha Guurtida sababtoo ah hadii halkaas maanta la dhaafiyo waxa soo baxaaya wax aan la filanayin Saleebaan yanuu jeebka kala soo bixin wax aan la filanayin .
 
 
Waxaanu leenahay beesha caalamku halkan waa yimadeen xisbiyada ayaa la shireen xukuumda ayaa la shireen halka sano waxa ka badan cidna ma ogola ayaanu leenahay halkaa sano ayaa lugu dhawaaqay haday dhaafto se cidii dhaafiaysay ayaa ka masuul ah iyo adoayaasha dhaxaltooyada ku wada jooga gabigooguba .
DSC00657
Gabagabdii waxa shirkaasi soo af meeray Oday Cali Curi “ Dalkan Somaliland wada tashi iyo is afgarad ayuu halkaas ku soo gaadhay ileen waa dal la wada leeyahaye sheekh ibraahim sheekh madar xiliguu Gudoomiyaha guurtida ahaa waxa madaxweynaha ahaa Cigaal Alle Naxaristii Jano howgu deeqee Waa is qaban jireen oo didibso ayaa is odha nireen lakiin maanta waxaan leeyahay lagaama filayin in aad tidhaa dhagaha furaysta intaad sadexdii habeenimo ka soo dagto beeshiina waa la karaameeyay dalka iyo daka waxa ula hadh ayaan idin leeyahay