Djibouti(berberanews)-John Kerry, ayaa sido kale waxa uu maanta uu soo kormeeray Saldhiga Mareykanka uu ku lee yahay dalka Jabuuti, oo lagu tilmaamo Saldhiga ugu weyn ee Qaaradda Afrika uu ku lee yahay.
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa wuxuu booqasho rasmi ah uu ku jooggaa Magaalada Djibouti, iyadoo aan la aqoon mudada ay qaadan doonto.
Xoghayaha, ayaa wuxuu la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxayna si dhow kaga wada hadleen arrimaha dalka Yemen iyo qaxootiga reer Yemen ee dalka Jabuuti ku soo qul qulaaya.
John Kerry, ayaa wuxuu ku dhawaaqay 68 milyan oo lacagta Mareykanka ah, oo Mareykanka uu ugu yaboohay dalka Jabuuti. 16 milyan oo ka mid ah lacagtaasi waxaa loogu talla galay qaxootiga dalka Yemen ka soo cararaaya.
John Kerry, ayaa wuxuu sidoo kale uu maanta booqday Masaajid ku yaala Magaalada Djibouti, waxaana la arkaayay isagoo gudaha u gelaaya.
Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayan in
tani uu John Kerry kaga gol lee yahay in Islaamka loo muujiyo, inaanu Mareykanku duulaan ku ahayn, saaxiibna uu Ummada Muslimiinta la yahay.
John Kerry, ayaa sido kale waxa uu maanta uu soo kormeeray Saldhiga Mareykanka uu ku lee yahay dalka Jabuuti, oo lagu tilmaamo Saldhiga ugu weyn ee Qaaradda Afrika uu ku lee yahay.
Toddobaadkii hore, ayaa waxay Warbaahinta Mareykanka baahiyen in xaalad khatar ah ay ku jiraan, diyaaradaha ka degaaya Saldhiga Mareykanku uu Jabuuti ku lee yahay. Feejignaan la’aan ay sameeyaan shaqaalaha hagista diyaaradaha.