Cadan (berberanews)-Maleeshiyaadka Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ayaa Arbacadii shalay madaafiic ku dhuftay dooni ay la socdeen dad qaxooti ah oo ka qaxay magaalada Cadan.
Doonidan ayey saarnaayeen ugu yaraan 50 qof waxaana la sheegay in duqeynta doonidaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 40 qof.
Maaha markii ugu horeysay oo khasaaro noocaan ah kasoo gaaraan shacabka ku baro-kacay dagaalada Yemen, waxaana horey dad qaxooti ah sidan oo kale ugu dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha Sucuudiiga.
Doonayaha kasoo baxaya xeebta magaalada Cadan ayaa intooda yimaada dekkada Bosaaso ee Puntland iyo waliba dekkadaha Berbera iyo Jamhuuriyada Jabuuti iyaga oo Sida Dad yaw Badan oo ka Soo firxaaya Dagaalada ka Socda Dalka yemen .