kenya(berberanews)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan si khasab ah u tarxiili doonin dadka qaxootiga ah ee ku sugan xeryaha ku yaal wadankiisa.
Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Arbacadii shalay la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay qeybteeda qaabilsan Qaxootiga.
Dowlada Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay muddo 3 bilood ah u qabatay inay dalkeeda uga baxaan ama UN-ka u raro qaxootiga Soomaalida ah, hadii ay dhici weydana ay iyagu si khasab ah u tarxiili doonaan Soomaalida.
Arrintan ayaa keentay cambaareyn Kenya uga timid dhinaca Beesha Caalamka, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in Qaxootiga aan si khasab ah lagu celin karin illaa ay iyagu iskood u go’aansadaan inay noqdaan.
Antonio Guterres oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga oo hogaaminayey wafdiga UN-ka ayaa sheegay in habka kaliya ee qaxootiga lagu celin karo ay tahay iyadoo loo marayo heshiiskii dhexmaray Kenya, Soomaaliya iyo UN-ka, kaasi oo sheegaya in dib loo celiyo oo kaliya qaxootiga iyaga codsaday inay dalkooda ku noqdaan, balse aan la khasbi karin kuwa doonaya inay sii joogaan dalka Kenya.
Kenya ayaa cadaadis xoogleh saartay qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan xeryaha Dhadhaab kadib weerarkii argagaxisada ee lagu qaaday Jaamacada magaalada Gaarisa.
Arrintan ayaa daba socotay baaqyo kasoo baxay siyaasiyiinta Soomaalida ah ee kasoo jeeda gobalada Waqooyi Bari Kenya oo iyagu ahaa kuwii ku eedeeyey xeryaha Soomaalida in loo adeegsado falal ka dhan ah amniga.
Hase yeeshee waxaa cadaatay in dhamaan kooxdii geysatay weerarkii Gaarisa ay ahaayeen muwaadiniin reer Kenya ah.