Somalia (berberanews)-Ururka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid oo ka tirsan magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal la shaqeynayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka.
Warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/Xakiim ay khaarajiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sarkaalkan ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu hagi jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka, kuwaasi oo gudaha dalka ku dilay horjoogayaal ka tirsan xarakada.
Howlgalka Al-Shabaab ee lagu dilay C/Xakiim ayaa la sheegayaa inay fuliyeen ciidamo gaar ah, kuwaasi oo ku guuleystay howlgalkooda sida ay baahiyeen shabakadaha codka Shabaab ku hadla.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in C/Xakiim uu horay u ahaa madaxii Garsoorka Islaamiga ah ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ku biiray sirdoonka Mareykanka.