Ciidamo somaliya loo tababaray oo la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen

Somalia (berberanews)-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegay in la la’yahay in ka badan 3,000 oo Soomaali ah oo horey loogu tababaray dalka Kenya kuwaasoo la aaminsanyahay inay ku biireen Xarakadda Al-Shabab.
017507014_30300-500x281
Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa saraakiil ka kala tirsan wasaarada arrimaha gudaha iyo hay’adaha amaanka ayaa ku waramaysa in la waayay meel ay ka baxeen illaa iyo 3,000 oo askari oo lagu tababaray degaanka Manyani kuwaasoo qorshuhu ahaa inay ka bar bar dagaalamaan ciidamada dawlada Kenya ee gudaha Soomaaliya kula dagaalanta Al-Shabab.
Markii ciidamadaas loo dhameeyay tababarkii ay qaateen ayaa la aaminsanyahay inay kala tageen halka wararka qaarna ay sheegayaan inayba ku biireen dagaalamayaasha Xarakadda Al-Shabab.
Max’ed Caraale oo madax ka ah hay’ad la yiraahdo Nepa oo ka shaqaysa arrimaha amaanka gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay inayba qabaan in shaqsiyaadka weerarada ka gaysta dalka Kenya ay ka tirsan yihiin ciidamadii la tababaray oo Al-Shabab ku biiray.