Hargeysa (berberanews)- Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa qiray khalad farsamo oo ku jira caddadka 12aad ee Buugga Faafinta Rasmiga ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, kaas oo si khaldan loogu soo saaray Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha (Xeer No: 37/2007) oo ka duwan Wax-ka-beddel iyo Kaabis Golaha Wakiilladu ku sameeyeen
Buugga Faafinta Rasmiga ah oo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ka soo baxay 03 January 2015, waxa uu waajibinayaa in Komishanka Doorashooyinku soo saaraan liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha laba bilood ka hor maalinta doorashada, kaas oo burinaya wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha baarlamaanku ansixiyey oo dhigaya in liiska la soo saaro lix bilood ka hor maalinta codbixinta doorashada.
GaryaqaanWar-saxaafadeed uu caawa soo saaray Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa lagu sheegay inuu jiro khaladkaasi oo ay ku baraarugeen, kaddib markii Wargeyska Jamhuuriya arrintan wax ka qoray, waxaanu ballan-qaaday in lagu sixi doono caddadka soo socda ee Buugga Faafinta Rasmi ah.