Syria (berberanews)-Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa sheegtay inay dalka Syria ku tababarayso dagaalamaal la dagaalama kooxda Daacish la yiraahdo oo qeybo badan oo dalkaasi ku yaala ka talisa.
War kasoo baxay xafiiska xog’hayaha arrimaha dibadda Maraykanka Ash Carter ayaa waxaa lagu sheegay in dalka Syria uu hadda ka bilowday tababar la siinayo maleeshiyaad hubeysan kuwaasoo la doonayo inay la dagaalamaan kooxda Daacish.
Qorshaha lagu tababarayo maleeshiyaadkaan ayuu Maraykanku ku sheegay inay tahay in la helo awood ka madaxbanaan dawlada Syria oo la dagaalami karta ururka Daacish waxaana warkaan intaa ku darayaa in la tababari doono 15,000 oo dagaalame.